shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 12 Ruuxi ayaa ku dhintay 13 toban kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, Shil gaadhi oo saaka ka dhacay Duleedka magaalada Garoowe

 (Garoowe,  July 05,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka magaalada garoowe gaar ahaan inta u dhaxaysa magaalooyinka Suni-jiif iyo degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal ayaa saaka Waabarigii hore waxa ka dhacay Shil baabuur oo sababay Dhimasho dhaawac iyo bur bur hantiyeed oo soo gaadhay Gaadhigii saaka ku gadoomay shilkaasi gaadhi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca mudooyinka magaalooyinka puntland oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 Ruuxi 13 kale dhaawac ayaa ka soo gaadhay shilkaasi gaadhi.
 
 
Dhamaan dadkii shilkaasi ku dhintay iyo dhaawacii ayaa maanta galin kii hore la soo gaadhsiiyey magaalada garoowe gaar ahaan Isbitaalka Guud ee magaaladaasi oo dhamaan shaqaalaha Caafimaadka magaalada garoowe la galiyey Heegan sare maanta kadib shilkaasi gaadhi oo tiro badani maanta dhaawacyo soo gaadheen oo dad ah.
 

Dadka dhinta ayaa waxaa ku jira  Aabe iyo Hooyo dhalay 3 caruur ah  oo iyagu ka badbaadey taasi oo murugo badan maanta ku abuurtay shacabka magaalada garoowe oo Naxdin badani soo food saartay, inta badan shilalka gaadiidka ayaa sabab looga dhigayaa iyadoo wadayaasha gaadiidku soo galaan safar dheer oo habeenimo Qaaday, kadibna Xiliyada hurdada gaadiidka sii wadaan taasi oo sahasha shilalka inta badan.
 

Cali dhagjar
Ceegaag.com
 

 

webmaster@ceegaag.com