shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Edmonton ee Dalka Canada oo si weyn looga dabaaldagay Xuskii xornimada Somalia & Canada.

 (Edmonton,  July 01,  2010 Ceegaag Online)

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo loogu dabaaldagayay Maalinta Xornimada Wadamada Somalia & Canada ayaa lagu qabtay beerta Rundle Park ee magaalada Edmonton.

Xafladdaas oo dadwaynihii ka soo qayb galay ay ka muuqanaysay wajiyadooda farxad iyo qiiro waddaninimo oo ay u hayaan maalintaas ku wayn ummadda Soomaaliyeed iyo Umada Dalka Canada, xafladaas oo si wada jir ah ay usoo abaabuleen Ururada SCERDO, ASAAS, ASWSSA, SCCC iyo FC –UNITED EDMONTON, dabaaldagaa waxaa ka mid ahaa Tartan ciyaareed Kubada Cagta ah oo ay isugu soo hadheen Kooxaha Somalia, Ethiopia & Sierra Leone.

Waxaa munaasibaddaas goobjoog ka ahaa dhammaan madaxdii ururadaas kor ku xusan sida Dr. Maxamed Jimcaale, Bashir Xaaji Cali , Cabdinuur Khaliif Xaashi, Leyla Ladane, Maxamed Axmed Xirsi (Cawil)  iyo Cabdi-khayr Cumar Xaaji iyagoo halkaas Hambalyo uga soo jeediyay dhammaan dadka Soomaaliyeed isla markaana sigaar ah ugu hambalyeeyay Kooxdii ka socotay Dalka Sierra Leone oo qaaday Koobkii 1-ka Luulyo 2010, waxaana koobkaas gudoonsiiyay Dr. Maxamed Jimcaale oo ah Gudoomiyaha Ururka ASAAS.

 

webmaster@ceegaag.com