shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Rugta Horumarinta Soomaalida oo isusoobax wayn laguna muujinayay is ahaanshaha  qowmiyada Soomaalida  ku qabatay magaaldan Boston.

(Boston,  July 25,  2010 Ceegaag Online)

Daawo muujintii Soomaalida reer Baston ku muu jiyeen cududooda iyo cadadooda

 

 

 

Waxaa shalay oo Sabti ahayd bisha Julay 24,2010 lagu qabtay beerta  Arsenal isu soo bax ay qawmiyada Soomaalida Boston ku muujinayeen cududooda iyo cadadooda ku sugan magaalda Boston ee cardigan Maraykanka.

 

Xafladan oo ay is kusoo dubo rideen Rugta Horumarinta Soomaalida afka qalaadna lagu yidhaahdo  (Somali Development Center)  loona soo gaabiyo (SDC). Mar ay Ceegaag cagta soo marisay barxada Beerta Arsenal  ayaanu waydiinay dareenka iyo shucuurta dadka Soomaaliyeeda ee ku sugnaa Beerta sida uu yahay iyo waxa ku kalifay inay isusoo urursadaan isir ahaan goonina uga baxaan shacabka reer Boston.

Dadwaynihii ayaa sheegay inay aad ugu farax san yihiin inay ka mid yihiin shacabka loo yaqaan Bostonian ka balse ay mudan tahay in lagu baraarujiyo ubadka soo koraya inay jiraan dad isku isir ah oo la yidhaahdo Soomaali.

Abaabintaa Soomaalinimo oo aanu uga duwanahay dadka madow oo iyagu uun garanaya inay isir ahaan ka yimaadeen Africa balse aan war iyo wacaal toona u hayn meeshee, ayaa loo qeexayay ubadka inay ka mid yihiin dadka madow ee reer boston balse  ay uga duwan yihiin inay yihiin isku af,  isku diin, isu midab, lana yidhaahdo Soomaali kana yimaadeen wadan ku yaala geeska Afrika oo layiidhaahdo Soomaaliya.

                                 

Hadaladaasi waxay ahaayeen xogtii aanu kala baxnay kulankaa Soomaalida Boston ee ka dhacay barxada beerta Arsenal ee magaalada Boston.

 

Daawo Sawiradii Goobta

Eng. Xuseen Fiin

Boston

 

webmaster@ceegaag.com