shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerar lagu Qaadayo Ciidamada Amaanka Boosaaso oo sii xoogaystay iyo askar maanta lagu toogtay Boosaaso

(Boosaaso,  July 25,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Maanta laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa ku soo Waramaya in Weerar toogasho ah lagu Qaaday askar katirsan Ciidanka dawlada Hoose ee magaalada Boosaaso oo Xiligii Weerarku dhacayey ku sugnaa Suuqa wayn ee magaalada Boosaaso iyagoona waday howlo Cashuur aruurinya xiligaasi dilalka toogashada loo gaystay.
 
 
Waxana Weerarkaasi lagu dilay 2 Ruux halka Qaar kalena lagu dhaawacay, weerarkaasi maanta oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso maalint Cad, lama oga Cida ka danbaysay Dilkaasi askarta katirsan Ciidanka Dawlada hoose ee magaalada Boosaaso oo shaqo xiligaasi ku jiray.
 
 
 
 
Mudooyinkaba Magaalada Boosaaso waxa ka socday Weerar lagu Qaadayo Ciidanka Amaanka magaalada boosaaso oo tiro badan lagu gumaaday Qaraxyo iyo dilala Qorshaysan oo ka dhacay magaalada boosaaso, Ciidamada Amaanka gobolkaasi bari ayaa dhinacooda Wado hawl galo Amaanka wax looga Qabanayo oo lagu raad joogo Kooxaha falalkaasi amaandarada ka Wado gudaha magaalada boosaaso.
 
 
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com