shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Ethiopia oo xasuuq ba’an ka geystay tuulada Ceel dibir oo ka tirsan deegaanka caabud waaq.

 (Ceel dibir,  July 11,  2010 Ceegaag Online)

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadha magaalada Caabud Waaq ayaa ku soo Waramaya in Isbitaalka Guud ee magaalada Caabud waaq la soo gaadhsiiyey dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay tuulada Ceel-dibir oo u dhaxaysa Xuduuda somalia iyo Ethiopia, dagaalkaasi ayaa dhexmaray shacabka magaalada Ceel dibir iyo Ciidamada Ethiopia gaar ahaan kuwa loo yaqaano dabaqoodhi oo iyagu mudooyinka ku sugnaa Xadka u dhexeeya labada dale e Somalia iyo Ethiopia.

Dagaalkaasi ayaa yimid sida ay sheegayaan Wararka laga helayo degmada Caabud Waaq kadib markii Ciidamada dabaqoodhiga ay dadka shacabka Tuulada Ceel-dibir ka kaxaysteen Gawaadhi iyo hanti farabadan taasina ay keentay in shacabka tuuladaasi

Tirada dadkii ay xasuuqeen ciidamada ethiopia ayaa habeenimadii xalay gaadheysay ilaa 17 qof halka dhaawacana la sheegay in uu ka badanyahay 15 kale oo haatan lagu Daawaynayo xarumaha Caafimaadka magaalada Caabud Waaq oo dhaawacooda la keenay xalay goor danbe.

Afhayeen u hadlay Ahlusuna Waljameeca ayaa sheegay maanta galinkii hore inay dagaalkaasi masuuliyadeeda Qaadayso dawlada Ethiopia oo dad shacab ah ku Xasuuqday tuulada Ceel.dibir kadib dagaal halkaasi ka dhacay, afhayeenkaasi ayaa sheegay inuu Sii xumaanayo Xidhiidhka ka dhaxeeyey Ururkiisa iyo dawlada Ethiopia , kadib xasuuqaas shalay ay ciidamada ethiopia ka geysteen ceel dibir oo ka tirsan deegaanka Caabud waaq.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com