shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidanka Ugaandheeska ah ee Nabad ilaalinta u joogay  Muqdisho oo Xalay Duqaymo La xidhiidha Qaraxyo ka dhacay Kambala u gaystay dadka shacabka ah ee reer Muqdisho.

 (Muqdisho,  July 12,  2010 Ceegaag Online)

Duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayaa maanta loo geystay Xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir

Duqeymahaani ayaa duhurnimadii maanta waxaa ay ka bilowdeen Xaafado hoosyimaada degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Wardheegley taasoo keentay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah.

Madaafiicdaasi oo la sheegay inay ka soo dhacayeen Fariisimaha Ciidamada AMISOM ayaa qeybo ka mid ah waxaa ay ku dhacayeen Suuqa weyn ee Bakaaraha iyadoo madaafiicdu badankoodu ay ku dhacayeen isgoyska Howlwadaag iyo meelo badan oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Inta la ogyahay sida ay goob joogayaashu sheegayaan waxaa madafiicdaasi ku geeriyooday hal ruux oo rayid ah iyadoona ay jiraan tiro intaasi ka badan oo ku dhaawcantay Madaafiicdaasi,Waxaana Cali Muuse oo ka mid ah saraakiish gaadiidka gurmadka deg dega ah uu Shabelle u xaqiijiyay inay qaadeen ilaa 9 ruux oo dhaawac ah kuwaasi oo ay geeyeen qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Lama oga waxyaabaha sababay madafiicdii maanta lagu garaacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo Xaafadaha hoostaga degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo wargdhiigleey taasoo inta badan timaadaam markii Muqdisho ay ku wada dagaalamaan ciidamada AMISOM iyo xoogaga hubaysan iyadoona madaafcdaani ay daba joogto madaafiic sidoo kale xalay lagu garaacay Xaafado hoosyimaada degmada Dayniile ee gobolka Banaadir taasoo dhalisay qasaare isugu jirey dhimasho iyo Dhaawac.

Xigasho: Shabeele



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com