shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cuqaasha Waxgaradka, Culumada Beesha Hayaag oo iska fogeeyey Dilkii Gudoomiyaha Maxkamada Laascaanood, Shir balaadhan oo Ceegaag ka dhacay kadib

(Ceegaag,  July 23,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh Dhagayso

Degmada Ceegaag Waxa shir balaadhan kuyeeshay dhamaan Cuqaasha Waxgaradka, Culumada waxana shirkaasi looga hadlay Dilkii Gudoomiyaha Maxkamada laascaanood Saleebaan jaamac Ciise oo  rag ka soo jeeda Ardaaga beesha hayaag Booliska magaalada laascaanood Xabsiga dhigeen.
 
Cuqaasha Waxgaradka, Culumada ayaa shir balaadhan oo Ceegaag ku yeesheen kadib Waxay Warbaahinta u sheegeen inaanay ka danbay dilkaasi gudoomiyaha Maxkamada Magaalada laascaanood tacsina u dirayaan Eheladii uu ka geeriyooday, Waxayna intaasi Raaciyeen Waxgaradka beesha hayaag inay diyaar u yihiin inay ka Qanciyaan,  beesha baharsame, iyo Qayska Marxuunka dhintayba inaanay dilkaasi gabi ahaantiisa aanay geysan beesha hayaag, isla markaana diyaar u yihiin inay la xaajaystaan Cidkastaba.

Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh oo kamid ah Xubnaha golaha Cuqaasha ee beesha Hayaag ayaa Shabakada wararka Ceegaag.com arimahaasi faah faahin dheeraad ah maanta ka siiyey Waxaana uu sheegay  inay magaalada laascaanood ku sii jeedaan halkaasi kulamo kula yeelan doonaan Cidkastoo ku tuhunsan Dilkaasi, kana Qancin doonaan.

Cali Dhegjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com