shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal Xoogan oo Goordhawayd ka Bilaamay Duleedka magaalada Boosaaso oo dhexmaray kooxo Diidan Puntland iyo Maamulka Puntland

(Boosaaso,  July 26,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ayaa ku soo Waramaya in dagaal xoogan oo sababay Dhimasho iyo dhaawacba uu ka soconayo Duleedka magaalada boosaaso gaar ahaan Tuulada karin oo 30KM Kaga beegan magaalada boosaaso.
 
 
Dagaalkaasi ayaa Waxaa uu dhexmaraya Ciidamada Maamulka puntland iyo Koox Islaamiyiin ah oo mudooyinka ku sugnaa deegaano kamid ah gobolka bari gaar ahaan buurta gal galo, dagaalkani Maanta ayaa laysuna soo baxay dhinaca bari gaar ahaan Wada laamiga ah.
 
 
Xarumaha Caafimaadka Magaalada Boosaaso ayaa la dhigay Dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkani kadhacay Tuulada karin oo duleedka magaalada Boosaaso, Xarumaha Caafimaadka ayaana goordhawydo la geeyey dhaawacyadii dagaalkaasi khasaaruhu ka soo gaadhay.
 
Dagaalkani ayaa Maanta siwayn looga dareemayaa Guud ahaan gobolada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaana Ciidamada Puntland ay haatan ku sii jeedaan goobaha dagaalku uu haatan ka soconay.
 
 
Wararkaasi oo faaf faahin kala soco WWW.Ceegaag.com
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com