shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Dufcadii ugu horaysay e ka Qalin jabisa Macadka Caafimaadka OTTIB oo Maanta Xaflad loogu Qaybtay Buuhoodle

 (Buuhoodle,  July 07,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi  Maamule Xigaha OTTIB Macalin Jamac Dhagayso

Waxaa Maanta lagu Qabtay  magaalada Buuhoodle Xaflad balaadhan oo ay ka soo Qayb galeen dhamaan Cuqaasha Waalidiinta, Qaybaha kala ee bulshada Buuhoodle iyo dadwayne aad u farabadan oo iyagu saaka goobtaasi yimid xili hore, oo ka Qayb galay xafladii qalin jabinta dufcadii ugu horaysay ee Macadka Caafimaadka Buuhoodle.

 
Ujeeda xafladaasi ayaa ahayd dufcadii ugu horaysa ee ka qalin jabisa macadka caafimaadka ee OTTIB Buuhoodle oo maanta dufcadii ugu horaysay ka qalin jabbiyeen qaybaha kala duwan ee caafimaadka oo mudo sanad ah ku baranayeen Macadka Caafimaadka ee OTTIB.
 
Xafladaasi ayaa ahayd tii ugu balaadhnay ee mudo ka dhacda magaalada Buuhoodle isla markaana dufcadii ugu horaysa ee heerkan oo kala ah ka gaadha dhinaca caafimaadka ka gaadhay Macadka Caafimaadka ee OTTIB, Xafladaasi ayaa Waxaa hadalo ka soo jeediyey Waalidiinta iyo Maamulka macadka Caafimaadka Buuhoodle oo halkaasi ka sheegay inay dadaal dheerad ah u soo galeen sidii ardaydaasi macadka Caafimaadka uga Qalin jabin  lahaayeen.
 
 
Ugu danbaytii waxaa ardaydaasi halkaasi lagu gundoonsiiyey shahaadooyinkii koorsooyinka Caafimaadka ee ka qalin jabiyeen waxaana musaabadaasi maanta ku soo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadeed, Ceegaag.com ayaa arimahaasi iyo dareenka macalimiinta ka Waraysatay Maamule kuxigeenka Macadka Caafmaadka OTTIB macalin Jamac.


 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com