shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Duqa magaalada Widh Widh oo walaac xoogan ka Muujiyey Xaalada nolol xumo oo soo foodsaartay Qoysaskii ka barakacay degmadaasi Widh Widh

 (Widhwidh,  July 17,  2010 Ceegaag Online)

Duqa magaalada Widh Widh Aadan Xirsi Dhabarlow Dhagayso

Duqa magaalada Widh Widh Aadan Xirsi Dhabarlow oo maanta shabakada Wararka Ceegaag.com siinayey Waraysi khaas ah ayaa sheegay in barakac xanuuno iyo dhibaatooyin kale soo food saareen dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay dhawaan magaalada Widh Widh dadkaasi oo haatan hoy la'aan nolol Xumo ku haysato Deegaano katirsan degmada Widh Widh.
 
Duqa magaalada ayaa intaasi Raaciyey in Qoysaskii ka baracay magaalada Widh Widh haatan gabi ahaantoodba dhibaatooyin badani soo food saareen Xiligan oo lagu jiro bilowgii jilaalka waxna uuna maayarku sheegay in Carruurta hooyinka uurka leh ay dhibaatooyin kala kulmeen dagaaladii ka dhacay magaalada Widh Widh oo hada xaaladooda caafimaad tahay mid aad u hoosaysa.
 
Ugu danbaytii maayarka magaalada Widh Widh ayaa ugu baaqay dhamaan Qurba jooga ha,yada samafalka ahi inay gar gaar deg deg ah la soo gaadhaan Qoysaskii ka barakacay magaalada Widh Widh oo daadsan dhulmiyi ah oo xaalado nolol Xumo haatan soo foodsaartay.
 

Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com