shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fadlan Caawi Wiilkan dhalinyarada ah ee ka naafoobay afarta adin kuna nool Magaalada Xamar Lagu xidh.

 (Xamar Lagu xidh,  July 18,  2010 Ceegaag Online)

magaalada Xamar lagu Xidh oo dhinaca bariga buuhoodle kaga beegan 35KM ayaa waxaa ku dhibaateysan Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Maxamed Salwiye (Cali bicir) oo mudo farabadan ku Xanuunsanayey deegaankaasi xamar lagu Xidh Waxana xanuunkiisu uu yahay afarta adin oo gabi ahaanba Neerfayaashu aanay shaqaynay, isla markaana reerkiisu aanay u awoodin dhaqaale wax looga qabto cafimaadkiisa Waxana dhakhaatiirta Soomaaliya joogaa ay sheegeen in  loo baahan yahay in dibada dhakhtar loogu Qaado.
 
Sidaad daraadeed Waxaa dadka Islam-ka ah ee kunool dibada, gudaha, iyo meel kastaba ay ka codsanayaan inay ninkaasi soo Caawiyaan Waxaa dhamaan Umada Islamka ah ee Musliniinta ah lagu Wargalinayaa Cidii wax u awooda ninkaasi dhibaataysan uu kala xidhiidho Magaalada Buuhoodle gaar ahaan Xawaalada Amal ama Siciid Khaliif Xagar oo laga Heli karo (0025224491096) ama taleefoon bilaasha ah 0015672564070) ama 0025224409917).

Aynu isku gargaarno ilaahay ha inoo gargaaree

webmaster@ceegaag.com