shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fu'aad aadan Cade oo Ceegaag.com uga Waraya isbedelka Xukuumada Cusub ee Madaxwayne siilaanyo ee gobolada SSC

 (Hargaysa,  July 12,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Fu'aad aadan CadeDhagayso

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa taleefoonka magaalada Hargaysa kula Xidhiidhay siyaasiga Fu,aad aadan Cade oo kamid siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada SSC, kana mid ahaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiyey ee dhawaan ku guulaystay Doorashadii ka dhacay Maamulka somaliland oo Xisbiga Mucaaradka ah ee Hogaamiyo Axmed Siilaanyo loo doortay Madaxwaynaha Maamulkaasi shanta sano ee soo socda.
 
Hadaba Dad badan oo kunoo gudaha iyo Wadanka ayaa iswaydiina Muxuu soo kordhin karaa Madaxwaynaha Cusub ee Maamulkaasi somaliland ee hogaaminyo Madaxwayne Axmed siilaanyo?
 
Maxaa laga filankaraa Madaxwayne Axmed Siilaanyo inuu ka Qabto gobolada SSC oo haatan deegaano kamid ah gacanta ugu jirto Maamulka somaliland, ma dagaalkii ayaa ku sii fidi doono magaalooyin hore leh, Mise Xal nabadeed ayuu soo Wadaa Madaxwayne siilaanyo?
 
Maxaa keenay in Xukuumada Wasiiro kooban Madaxwayne Axmed siilaanyo soo dhiso oo ka yar tii hore ee Madaxwayne Riyaale, arimahaasi oo dhan ayaa Ceegaag Waraysi dheer kala Yeelatay Fu,aad aadan Cade oo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada SSC, isla markaana siwayn isugu dhow yihiin Madaxwaynaha Cusub ee Axmed siilaanyo, Waraysigaasi oo dheer oo dhinacyo badan taabana ayaad kaga bogan kartaa Ceegaag.com.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com