shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Gaadiidkii Ciidamada Itoobiya ka kaxaysteen Buuhoodle oo soo gaadhay, iyo Mulkiila yaasha Gaadiidka oo saxaafada la hadlay

 (Buuhoodle,  July 04,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi Cabdi Bile Cali  Afhayeenka Gaadiidlayda Dhagayso

Magaalada Buuhoodle waxa soo gaadhay Gaadiidkii bishii hore Ciimada itoobiya ka Wadeen magaalada buuhoodle kadib dagaal ku dhexmaray gudaha magaalada buuhoodle Ciidamada itoobiyaanka ah iyo shacabka magaalada buuhoodle oo sababay dhimasho dhaawac farabadan oo soo gaadhay shacabka magaalada buuhoodle.
 

Gaadiidkaasi ayaa la geeyey magaalada Jig jiga ee Xarunta Ismaamulka soomaalida itoobiya oo in badan lagu hayey waxna kadib lagu guulaystay Dadaal badan oo Maamulka puntland sameeyey in gaadiidkaasi dib loogu Wareejiyo dadkii iska lahaa oo looga yeedhay magaalada Jig jiga, kadibna Maanta iyagoo Wata gaadiidkoodii soo gaadhay magaalada buuhoodle.
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa Maanta Qaabkii loogu Wareejiyey Mulkiila yaasha Gaadiidka ka Waraysatay Cabbi Bile Cali oo kamid ahaa gaadiid layda Gaadhayna magaalada jig jiga oo ka soo ka xaystay Gaadhigiisii oo la socdeen dhamaan baabuurtii kale ee laga lahaa deegaanka buuhoodle.
 
 
Cabdi bile Cali ayaa sidoo kale ka hadlay dhinaca amaanka Waxaana uu sheegay in Guud ahaan xaalada nabada galiyatu tahay mid Wanaagsan dawlada itoobiyana kala kulmeen Waji fiican markii ay gaadheen magaalada jig jiga oo siwayn loogu soo dhaweeyey.
 
Ugu danbaytiina Waxaa Mulkiila yaasha Gaadiid laydu amaan balaadhan u soo Jeediyeen Maamulka puntland oo talaabadan siidayta gaadiidkaasi siwayn ugu guulaystay kadib markii Wafti balaadhan oo hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenku maamulka puntland gaadhay magaalada jig jiga oo siidaayey gaadiidkaasi.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com