shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Gudoomiyaha Waxbarshada gobolka Sool agaasimaha Isbitaalka Manhal iyo saraakiil kale oo Maanta gaadhay Ceegaag, isla markaana Daawo iyo deeqo waxbarasho gaadhsiiyey xarumaha Degmadaasi Ceegaag

 (Ceegaag,  July 09,  2010 Ceegaag Online)

Degmada Ceegaag Waxa Maanta gaadhay Wafti balaadhan oo hogaaminayo Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Sool oo ay kamid yihii Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Manhal ee laascaanood Dr C/rashiid Maxamuud Cali( saxar) iyo Masuuliyiin kale oo ka socday ha'yada kale ee fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood.
 
Ujeeda safarka Waftigaasi ayaa kadanbaysay inay magaalada Ceegaag geeyaan Daawooyin loogu tala galay MCHka magaalada Ceegaag iyo buugaagta waxbarashada oo loo Waday Dugsiyada waxbarshada ee Ceegaag oo Waftigaasi maanta kormeer shaqo ku tageen.

Gudoomiyaha Waxbarshada ee gobolka Sool Kayse Cawil Ladane oo Ceegaag.com Waraysi siinayey              (Dhagayso)

 

 isagoo ku sugan magaalada Ceegaag bari ayaa sheegay in siwayn loogu soo dhaweeyey magaalada Ceegaag oo gudoomiyaha iyo waxgaradka magaalada Ceegaag siwayn maanta u Qaabileen oo farxad ku dheehantahay, waxaana kaloo intaasi raaciyey inay kormeer kutageen goobaha waxbarshada magaalada Ceegaag lana kulmeen Gudiyada waxbarashada Ceegaag oo ka dhagaysteen Guud ahaan waxbarashada sanadka.
 
Dhinaca kale Dr C/rashiid Maxamuud Ali(saxar) ayaa deeq daawo ah gaadhsiiyey MChka magaalada Ceegaag waxaana Ceegaag.com uga waramaya Xaalada MCHka iyo Guud ahaan shaqada ka socota MCHka magaalada Ceegaag oo maanta ay kormeer Hawleed ku tageen,(Dhagayso)

 iyagoona shaqaalaha MCHka Gudoonsiiyey Daawo deeq ah oo loogu tala galay MCka magaalada Ceegaag.
 
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag

webmaster@ceegaag.com