shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Isu Socodka Gaadiika deegaanka Hawdka sare oo haatan bilaamay iyo Gaadiidka oo bilaabaya safarkoodii gudaha Itoobiya

 (Buuhoodle,  July 06,  2010 Ceegaag Online)

Waxa dib bilowday dhaq dhaqaaqa Gaadiidka safarka iyo ganacsiga gudaha wadanka itoobiya gaar ahaan dawlad deegaanka soomaalida itoobiya waxna gaadiid farabadan iyo rakaabkii deegaankaasi u safari jiray oo mudo kala xariyaan kadib dagaalkii ka dhacay magaalada buuhoodle bishii hore taahab bilaabeen inay u safraan gudaha wadanka itoobiya.
 
Gaadiidka u safraya gudaha itoobiya ayaa ah Gaadiid ka diiwaan gashan Gobolka Wardheer ee dawlad deegaanka soomaalida sidoo kale degmada danood oo iyana katirsan gobolkaasi Wardheer waxna haatan Mulkiila yaasha Gaadiid laydu bilaabeen inay gaadiidkooda ka Cashuurtaan magaalada wardheer iyo degmada danood.
 
Guud ahaanbana Waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqa ganacsiga goobaha laga Raaco Gaadiidka oo haatan noqday goobo mashquul ah iyo Goobaha ganacsiga oo dad badani ka adeeganayaa iyagoo doonay inay u safraan Deegaanka Hawdka sare.


Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com