shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kaynaan oo lagu eedeeyay inuusan dadka Sawirka lagilin, Beeni Raad maleh Cadayn.

 (Koonfur Afrika,  July 14,  2010 Ceegaag Online)

Wargeyska ka soo baxa K/Africa laguna magaacabo The Times ayaa ku tilmaamay heesaaga caanka ah ee soomaliyeed Keynaan in uu yahay nin aan la maareyn karin oo kibir badan misena aanan la hagi karin intasi ma aysan ugu harinee waxay kaloo sheegeen in uu diido in sawir lala galo xiliyada uu heesayo.

Taasi waxa ka xumaaday Keynaan oo haatan dalabanaya raaligalin Buuxda wuxuuna yiri ma ahan wax la aqbali karo in jariirad caan ah misana ka mid ah wargeysyada ugu weyn South Africa in ay qorto war aan sal iyo raad toona lahayn.

Jariidada oo soo xiganaysa qof aysan magaciisa sheegin balse ka tirsan bahda heesaaga la socota ayaa sheegtey in Keeynaan uu yahay nin qalafsan oo xitaa diida in sawiro lala galo, mid ka mid ah eedeymaha loo jeediyey heesaaga ayaa waxaa ka mid ah in uu diidey in uu bandhig ka sameeyo tuulada Alexandra ee Johannesburg sababtuna ay tahay meel halis ah, qofka lasoo xigtey ayaa yiri “Ninka sidaasi dhahana waa nin Muqdisho ku dhashay”

Alexandra waa meeshii ay sanadii 2008 dii ka biloowdeen rabshadihii shisheeye nacaybka ee lagu waxyeeleeyey ajaaniib badan oo ay Soomaali ka mid tahay.

Waxay jariidada ku doodey in shir jaraa’id oo uu dhawaan Durban ku qabtey uu kaliya ogolaaday in uu ka jawaabo 6 weeydiimood oo kaliya, halka shir kale oo uu warbaahinta u qaban lahaa uusanba soo xaadirin, qofka aanan magaciisa la sheegin ee lasoo xigtey ayaa sheegey in Keynaan uu yiri “waxaan jeclaan lahaa in qandaraaska Coca-Cola aan halkan ku joojiyo oo aan gurigeykii ku laabto” .

Laakiin Keynaan Cabdi Warsame oo wax ku qorayay bogiisa Twitter ayaa yiri “Hadda ayaan aqriyey qormo kusoo baxday The Times, qormo gabi ahaanba lagu soo bandhigey aragti qof aanan magaciisa la sheegin, waa nasiib darro in wargeys ka mid ah kuwa Koobfur Afrika ugu waaweyn uu daabaco kutiri-kuteen dadka sheegey aysan wax tayo ah lahayn”.

“Haddii jariidada Times ee Johannesburg ay leedahay wax tayo saxaafadeed, waxay u baahanyihiin in ay ka noqdaan, raaligalina ka bixiyaan", ayuu yiri Keynaan Cabdi Warsame.

Keynaan ayaa heestii furitaanka ka qaaday koobka kubbada cagta aduunka, iyadoo heestiisa ay ka daarantahay dariiq kasta oo Koonfur Afrika ah, halka xayaysiinta Coca-Cola ee qalabka warbaahinta ka baxda ay dhamaanteed ku baxdo heestiisa, illaa iyo 85 wadan ayuu bandhigyo ka sameeyey, laakiin wali Soomaalida Koonfur Afrika fursad uma aysan helin in ay la kulanto ninkani loo arko xidig caalami ah.

Xigasho: Calanka

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com