shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxo Islaamiyiin ah oo Ciidamo aruurin ka Waday gobolada Sanaag Bari iyo Maamulka Puntland oo walaac xoogan ka Muujiyey arimahaasi

 (Boosaaso,  July 17,  2010 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo gobolada Sanaag iyo Qaybo kamid ah gobolkaasi Bari ayaa ku soo waramaya in Maalmihii ugu danbeeyey goboladaasi dhaq dhaqaaqyo xoogani ka Wadaan kooxo islamiyiin ah oo ka soo jeeda gobolada Sanaag Qaybo kamid ah gobolkaasi bari, kooxahan oo deegaanadaasi deegaan ahaan ka soo jeeda.
 
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxo islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda Maamulka Puntland halkaasi ka Wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo deegaanadaasi haatan ay ka bilaabeen waxna wararku intaasi ku darayaan inuu taageerayaasha Hogaamiye Maxamed Siciid Atom ay halkaas uga dhawaaqeen inay taageersanyihiin Kooxda Xisbul Islaam ee kajirta koonfurta Soomaaliya ee dagaalka kula jirta dawlada Soomaaliya.
 
 
Wararkani ayaa todobaadkani siwayn ugu soo xoogaysanayey magaalooyinka Waa Wayn ee Puntland Waxaana isla markaasi isa soo tarayey Walaac ay ka Muujinayaa shacabka kunool magaalooyinka Puntland kooxaasi islaamiyiinta ah ee halkaasi isku aruursanaya.
 
Isimada Cuqaasha, Waxgaradka gobolada Sanaag iyo Bari ayaa dhinacooda kulamo deg deg ah ka yeeshay Waxayna go'aan ku gaadheen in talaabo laga Qaado cid kastba oo isku dayda inay amaanka Guud ee Puntland wax u dhimayso, talaabona laga Qaado kooxahaasi halkaasi ka Wada Ciidan aruursiga.

Puntland ayaa iyadu soo saartay Go'aamo ay ku sheegeen inay argagaxisada kula dagaalamayaan, Go'aamadan oo ay islahaayeen ku baqo galiya xoogaga siyaasadooda ka soo hor jeeda balse haatan si toos ah loo tijaabinayo awooda Puntland iyo bal inay meel marin karaan go'aamadii golaha sharcidajinta ee Puntland ku dhawaaqeen wiigii hore.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com