shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Lacagtii taalay garoonka diyaaraha Gaalkacyo oo xoog loola baxay iyo Madaxwaynah Puntland oo ka cadhooday

 (Gaalkacayo,  July 07,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo waramaya in habeenimadi xalayto lacagtii faalsada ahayd ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo loola baxay qaab weerar ah oo dadkii lacagtaasi lahaa kala baxeen garoonka diyaaraha ee magalaada Gaalkacyo oo lacagtaasi lagu haye mudo badan, kadib markii maamulkaasi Puntland uu diiday in lacagtaasi gudaha magaalada Gaalkacyo gasho.
 
 
Lacagtaasi ayaa garoonka diyaaraha waxaa kala baxay qaar kamid ah ganacsatada haweenka magaalada Gaalkacyo oo lacagtaasi kala yimid dhinaca magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in lacagtaasi lagu lahaa Madaxwaynihii hore ee somalia C/laahi Yuusuf haatana lacagtaasi dawlada shariif ku Bixisay.
 
Lacagtaasi ayaa mudooyinka waxaa ka taagnaa muran xoogan oo u dhaxeeya maamulka Muntland iyo ganacsatada magaalada Gaalkacyo waxana hada wararka laga helayo magalaada Garoowe caawa sheegayaa in Madaxwaynaha Puntland aad uga Cadhooday in lacagtaasi laga baxo garoonka diyaarahab ee magaalada Gaalkacyo, lama oga talaabada uu Qaadi doono Madaxwaynaha puntland.
 
Guud ahaanba shacabka Puntland ayaa lacagtaasi la bixitaankeeda ku keentay cabsi xoogan iyadoo laga cabsi qabo in qiimaha safarka doolarku somalia gaadho halkii ugu saraysay wadankuna uu galo somalia sixir barar hor leh, oo mar kale ka dhasha gudaha magaalooyinka somalia gaar ahaan Puntland.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com