shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Siilaanyo oo la wareegay awoodii maamulka Somaliland.

(Hargaysa,  July 27,  2010 Ceegaag Online)

Qudbadii Madaxwayne Daahir Riyaale ee madasha   Dhagayso

 

Waxaa manta ka dhacday caasimada labaad ee Soomaaliya xilwareejin lagu maamuusayay madaxwaynihii hore ee maamulka gobolada waqooyi  Daahir Riyaale kaahin Laguna soo dhaweenayay Madaxwaynaha Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo).

Munaasabadan oo ahay mid aad u quruxbadan amaankeedana aad loo sugay ayaa ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan, Xafladii Xil wareejinta Madaxweynaha afraad ee Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa goob joog ka  ahaa Wufuud culus oo ka socday dalalka Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya, waxaana Weftiga Kenya Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Maxamuud.

Sidoo kale Weftiga Itoobiya waxa hoggaaminayay Wasiirka Dalxiiska dawlada Fadaraalka ah ee Itoobiya Md, Maxamuud Dirir, halka Wefftiga dalka Jabuuti oo sadexdii cisho ee u dambeeyay dalka ku sugnaa Hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo  dhaqanka. Waxa kale oo ka soo qeyb galay Shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, sadexda xisbi qaran, Wasiiradii Xukuumada xilka wareejisay iyo Boqolaal qof oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada oo lagu soo marti qaaday xaflada dhaarinta iyo xil wareejinta Madaxweynaha cusub iyo Ku Xigeenkiisa.

Daawo Sawiradii Xaflada


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com