shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Mahadcalin ku socota Dadkii nagala qaybqaatay dhisida Masjidjaamaca Xaaji Cali Cilmi ee Ceegaag

 (Ceegaag,  July 04,  2010 Ceegaag Online)

Mahadcelin ka timi qoyska reer xaaji cali cilmi Iidle:

 

Anigoo ku hadlamaya magaca  qoyska reer Xaaji Cali Cilmi waxaan halkan mahad ballaadhan uga soo jeedinayaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay Masjid Jaamaca loogu magic dary marxuum Xaaji Cali Cilmi Iidle oo laga hirgaliyay degmada Ceegaag . waxaan idiinku bushaaraynaynaa in sadaqadii aad la baxdeen ee idiin bilaabatay illaa malintii aad maalkiinna ku bixiseen masaajidka uu maanta idiin labalaabmay iyadooo muslimiinta ku dhaqan deegaankaas laga hirgaliyay masjidka ay bilaabeen manta in ay manaafacsadaan salaaddoodana ku tukadaan iskuna wacyigaliyaan.

 

 Waxaan idinkula dardaarmaynnaa in aydaan ka caajisin u deg degga cibaadada ilaahay iyo ku tabaruca  maalkiinna ood ku bixisaan dariiqa alle jideeyay. Iyadoo ay jiraan dad badan oo jecel ama ballanqaaday in ay taageero dhaqaale ka gaystaan masaajidka, balse aanay u suurtoobin in ay  wareeggan  nagala qaybqaataan, waxaan leenahay wali masaajidka minaaraddii ayaa ka dhiman ee ku soo darsada wixii aad awooddaan kharykaas aan idiin kaydinay.

Waxaa kale oo aan mahad ballaadhan oo aan la soo koobi Karin u celinaynaa dhammaan Isamadii, cuqaashii shuyuukhdii , aqoonyahannadii iyo dadwaynihii ka kala yimi gobollada Sool iyo Cayn ee sida sharafta leh uga soo qaybgalay xafladdii furitaanka Masaajidka . Waxaan kaloo halkan mahad gaar ah uga soo jeedinayaa Prof. Cabdirisaaq Maxamed Aadan (Lafoole) oo kaalin wayn ka qaatay hirgalinta dhismaha masaajidkan .Waxaan kaloo iyana si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Hay’adda ALMANHAL ee fadhigeedu yahay dalka Kuwait oo iyana kaalin mug leh ka qaadatay dhaqaalihii ku baxay dhismaha masaajidkan.

 

Masaajidka ayaa ku kacay lacag dhan $25,211USD  iyo tabaruc aan qiyaas lahayn. Haddaba si dadkii ku taba rucay maalkooda iyo muruqoodaba loo xuso, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa liiskii dadkii ka qayb qaatay dhismaha masaajidka Xaaji Cali Cilmi.........................................................!!!!

 

Waxaan walaalayaal idin leenahay ilaahay ha idiinku baddalo sadaqaddaas jaariyada ah ee aad ugu deeqdeen masaajika ajar iyo xasanaad aydaan ka fakhriyin aakhiro iyo adduunba.

Ilaahay ayaa mahada leh

Cabdi Xaaji Cali Cilmi (C/riigle)

Ceegaag, Soomaaliya

 

webmaster@ceegaag.com