shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaabiis laga saaray Jeelka Laascaanood iyo Qaarkamid ah Madaxda Ciidamada Booliska Laascaanood oo Xabsiga la dhigay

(Laascaanood,  July 25,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Saaka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa ku soo waramaya in Maxaabiistii ku Xidhnayd Jeelka wayn ee magaalada Laascaanood xalay isaga baxsadeen lama oga sababaha keenay inay maxaabiistaasi laga saaro jeelka magaalada laascaanood oo saaka mar kaliya laga waayey xabsiga magaalada laascaanood.
 
Maxaabiistaasi ayaa waxa kamid ahaa labo Xumood oo Maamulka somalilnad u Xidheen inay ka danbeeyeen Qaraxyadii laascaanood hadheeyey bilihii aynu soo dhaafnay raggaasi oo jeelka wayn ee magaalada laascaanood ku xidhnaa mudo farabadan.
 
Xubnahani xalay laga saaray jeelka magaalada laascaanood Waxay kala yihiin  Rooble Xuseen dalmar Jamac Geenyo, Mid kamid ah Maamulkayaasha Macadka laascaanood iyo Rag kale oo Xabsiga kula Xidhnaa oo xalay si Qarsoodi ah looga taxaabay jeelka magaalada laascaanood lama oga raggaasi meesja jeelka looga saaray.
 
Taliyaasha Ciidanka Booliska gobolka Sool Milatariga ayaa maanta waxaa soo food saaray jaah Waree xoogan waxana Xabsiga laascaanood la dhigay Qaar kamid ah Masuuliyiinta Ciidanka oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen sii dayta raggaasi.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodlle

 

webmaster@ceegaag.com