shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Rag Hubaysan oo Weerar ku dilay labo Ruuxi gudaha magaalada gaalkacyo goor dhawayd

 (Gaalkacayo,  July 17,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhay magaalada gaalkacyo ayaa ku soo Waramaya in Caawa fiidkii kooxo hubaysani ku dileen gudaha magaaladaasi labo nin oo kamid ah shacabka magaalada Gaalkacyo oo Rasaas xoogan lala beegsaday Caawa makhribaadkii saacada Geeska africa.
 
Ragani Weerarka lagu Qaaday ayaa xiligaasi marayey afafka hore Xarunta hore ee Hay’ada Sirdoonka PIS-tu ka daganayd magaalada Gaalkacyo oo kutaalay Jidka Siinaay ee Gaalkacyo, isla markkiiba Waxaa goobtaasi gaadhay Ciidamada amaanka magaalada gaalkacyo oo halkaasi ka Qabtay ilaalo xoogan dilkaasi Caawa fiidkii kadib.
 
Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa Walaac xoogan ka Muujiyey dilkaasi Caawa ka dhacay magaalada gaalkacyo ee lagu dilay labada ee Rayidka magaalada gaalkacyo Waxa Ciidamada amaanku Caawa Wadaan baadhitaan xoogan oo loogu jiro dadkii dilkaasi ka danbeeyey ee ragaasi khaarajiyey.
 
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com