shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saddex Askar oo lagu dilay magaalada Boosaaso galabta

(Boosaaso,  July 20,  2010 Ceegaag Online)


Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in galabta goor gaaban siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada boosaaso ugu yaraan 3 askari oo katirsan Ciidamada Amaanka magaalada boosaaso, Askartan oo midkood lagu dilay Agagaarka Xarunta weyn ee Shirkada Isgaarsiinta Golis,halka midkalena lagu dilay Agagaarka Barxada Gaaca oo aanan waxbadan u jiray Dowlada Hoose ee degmada Boosaaso.
 
 
Magaalada Boosaaso ayaa Caawa wararka Ceegaag.com ka helayso Waxay sheegayaa in Ciidamada amaanka gobolkaasi bari Wadaa Howl gal xoogan oo lagu sugayo amaanka magaalada Boossaaso waxana kaloo gobolka ka socdo howl galo Ciidamadu ku aruurinayaa dadka ka soo jeeda gobolada koonfureed oo Maamulka puntland ku eedeeyey inay ka danbeeyaan amaandarada taala gobolka bari.
 
Guud ahaanba Xaalada amaanka Magaalada Boosaaso ayaa noqotay tusbax afka laga furay waxaana sii xoogaysanay falalka amaandarad magaalada boosaaso ku soo badanaya Mudooyinka waxba maamulka puntland haatan bilaabay Qorshe xoogan oo amaanka wax looga Qabanayo.

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Hurufadhi

webmaster@ceegaag.com