shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Cabdi Naasir X. Axmed iyo xubno kale oo ku dhaawacmay shil baabuur.

(Buuhoodle,  July 23,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka Magaalada Buuhoodle Waxaa maanta galinkii hore ka dhacay shil baabuur oo sababay dhaawac ugu yaraan 3 Ruuxi oo kamid yahay Sheekh Cabdi Naasi Xaaji Axmed oo kamid ah Culumada sida wayn looga Qadariyo Guud ahaan Somalia, kana soo jeeda gobolada SSC, waxana shiikha soo gaadhay Dhaawac Fudud oo loogu Qaaday magaalada Hargaysa.

Shilkaasi gaadhi ayaa  yimid kadib markii gaadhi Xamuul ahi iyo Gaadhi yar ay isku dhaceen iyagoo labada gaadhi isaga hor yimaadeen goob ay dhirtu ku badan yihiin oo u dhaxaysa Buuhoodle iyo Sool joogto.

Shilalka Gawaadhida ayaa mudooyinka ku soo badanayey Guud ahaan deegaanka Buuhoodle iyadoo sabab looga dhigayo wadooyinka Qaarkood oo dhir badani Xiligani ay Xidhay, kadib roobabkii sanadkan taasina keentay in gaadiidku aanay is arki karin xiliyada Qaarkood.

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com