shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Tawakal oo dadka Soomaaliyeed ee reer Boston ku dhiiro galinaya inay ka faa'ideestaan bandhig carweed buugaagta Soomaalida oo wiigan yimid Boston

(Boston,  July 23,  2010 Ceegaag Online)

Hadaladii guubaabada ahaa ee sheekha waxaa ka mid ahaa  Dhagayso

Bandhig carweed buugaageed oo ayaa maanta si rasmi ah uga furantay Masjid Jaamaca Magaalada Boston ee carigan maraykanka.  Bandhig carweedka buugaag ta ayaa waxaa soo bandhigay  shirkada SCANSOM oo ah mida kaliya ee sida joogtada ah u daabacda buugaagta Afkasoomaaliyeed ku qoran ama Soomaalida la hadlaya ama kahadlaya.

Bandhig Carweedka Buugaageed ayaa socon doona ilaa iyo Axada, wixii intaa ka danbeeyana waa inaad sugtaa sanadka danbe markaa barito oo sabti ah iyo Axada uun baad haysataa.

Hadaba waxaa noo suuro gashay inaanu goobta bandhig carweedka buugaagta kula kulanay Sheekh Tawakal oo markaa raadinay buugaag caruurta far-soomaalida laga bari karo oo cusub isagaa aad ula dhacsanaa buug cusub oo ay qortay Nasro Sh.Xasan oo cinwaankiisu ahaa HIGAADA.

Nasro Sh.Xasan

Sida aad aragtid buugan wuxuu wataa xaashidaa oo ku moodhgaraysan Bac oo ah mid raagasa caruurtuna ka faa'iidaysan karaan. Caruurtaydana waan usoo ii biyay ee adna kuwaaga u iibi aynuna u wada  hiilino 'Afka Hooyo oo curuurtaada Afsoomaali ku Ababi' (SCANSOM).

Eng.Xuseen Fiin

Boston

webmaster@ceegaag.com