shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada telesom oo ka hadashay hakadkii ku Yimid taleefoonada maalintii shalayto, isla markaasa Saxaafada u soo bandhigtay Ciladii ku timid oo ka dhacday Hurufadhi

(Horufadhi,  July 20,  2010 Ceegaag Online)

Kalmadii Gudoomiyaha Gobolka Cayn Xariir M Axmed Dhagayso

 Kalmadii Cabdi samed Cali xasan hawlwadeenka TeleSom  Dhagayso

   Eng Cismaan Daroor hawlwadeenka TeleSom Dhagayso

Kalmadii Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi Dhagayso

 

Shirkada Isgaadhsiiinta ee telesom gaar ahaan Xafiiskeeda magaalada Buuhoodle ayaa soo bandhigay Ciladii ku timid maalintii shalayto Shirkada Telesom kadib markii talefoonada shirkadaasi gabi ahaanba hawad ka baxeen galinkii hore ee shalayto oo Masuuliyiinta shirkadu sheegeen inay tahay Cilad katimid taawarka degmada Hurufadhi, Ciladaasi oo macaamiisha telesom Cabasho xoogan ka Muujiyeen Xiliyada dagaaladu ka dhacaan deegaanada Buuhoodle.
 
Hadaba Maanta Waxaa gaadhay Magaalada Hurufadhi Wafti balaadhan oo hogaaminayo Gudoomiyaha shirkada telesom Buuhoodle Caaqil Cabdi Samad Cali Xasan Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed, Cuqaal aad u farabadan iyo dadwaynaha magaalada buuhoodle oo shirkada telesom la soo ogaaday Cilida kutimid iyo taawarka shirkada hurufadhi oo gabi ahaanba Leexday shaqaaluhuna ay ka wadaan maanta shaqo farabadan.
 
Waxana Halkaasi Maanta ka hadlay Gudoomiyaha shirkada telesom Cabdi samad Cali xasan oo sheegay in shirkada telesom Cilad kutimid isla markaana telesom diyaa u tahay Raali galinta Macaamiisheeda sharafta leh, Gudoomiyaha telesom ayaa sheegay in telesom ka madaxbaantahay arimaha siyaasada dhamaana Maamuladu u siman yihiin oo ka ganacsanaa Cidkastaba.

 
Dhinaca kale Caaqil C/laahi Xasan Qabin, Caaqil Ismail Xaaji C/laahi iyo Qaar badan oo kamid ahaa Xubnaha golaha Cuqaasha buuhoodle ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen Cilada kutimid shirkadooda telesom ayna diyaar u yihiin la shaqaynta iyo taageerada telesom, Waxgaradka Iyo Maamulka gobolka Cayn ayaa sheegay inay diyaar u Yihiin Xili kastaba adeega telesom ayna ka Xun yihiin dadka doonayo inay isku dhufteen telesom iyo macaamiisha buuhoodle.

Daawo Sawirada Aanteenayaasha Xumaaday

 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Hurufadhi

webmaster@ceegaag.com