shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Siyaasiga Ruugcadaaga ah ee Cali Khaliif Galaydh oo u til maamay Soomaalida Reer  St. Cloud inay soo saaraan Siyaasiyiin u dhago nugul taageeraana Tarryl Clark.

 (St. Cloud. Minnesota,  July 11,  2010 Ceegaag Online)

Cali khaliif ayaa yidhi ‘waa inaan taageernaa Tarryl Clark oo tartamaysa Congress ka. Sidoo kale Tarryl ayaa waxay sheegtay in haddii la doorto iyadda iyo Gabadha kale ee u tartamaysa   jagadda  gudoomiyaha gobolka Minnesota  Margaret Anderson in  arimaha Soomaalidda ay  geyndoonan “ Aqalka Cad” 

‘Sidoo kale waxay sheegtay in dadka Soomaalidda iyo dadka aan lacag badan shaqay san ay wax badan uga qaban doonto xagga waxbarashada,guryaha iyo  arimaha Socdaalka (immigration)  Tarryl Clark oo ah gabadh aad u maqasho marka ay dadka Soomaalidda uga  yeeraan shirarka ayaa waxaa  kaanbaynkan kala shaqaynaya dhaliyaro  firfircoon iyo dadka kale oo sumcad iyo magac ku dhex leh bulsha waynta Soomaaliyeed.

Waxaa ka mid ahaa dadkii taageeray Maanta Profesor Ali Khalif Galaydh, siddoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay kana marqaati kacay sidda wanaagsan ee Tarryl Clark ula shaqaysay Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalidda Mohamud Mohamed ahaana xiriiriyihii shirka.

Tarryl oo ahaan jirta  qareen u dooda dadka ninkeeduna hadda ka shaqeeyo xafiiska  (legal Aidka)ee  caawiya dadka  dhibaatadda sharciga haysato ama aanan lacagta badan shaqaysan, Tarryl ayaa waxay booska Senate kula tartamaysaa  haweenay ku caan baxday wax ka sheega Madaxwayne  Obama

( Michele Backmann) Michele ayaa waxay ka tirsan tahay xisbiga tallada wadanka hayn jirey ee  Jamhuurigga, Michele ayaa waxaa ay ka soo horjeedda waxyaalo badan oo Maamulka  Obama rabeen inay qabtaan sidda Caafimaadka,kana soo horjeedda soo- gaalootigga.

 Ali khaliif ayaa waxuu ku dhiiri galiyay dadka Soomaalidda inay taageeraan  Tarryl Clark oo balan qaaday in dadka wax u qaban doonto.  Iyaddoo dadkii meeshaan isugu yimid ay xirnaayeen  biladdo ay ku qoran yahay magaca Tarry Clark. Waxayna  ku balan qaadeen in ay  taageeri doonaan.

Magaaladda St. Cloud  Minnesota oo ah magaalo ay cadaanka u badan yihiin  ayaa waxaa badanaa  ku tartama mar walba labadda xisbi ee wadanka isu kala badala’.(Boocame)

Daawo Sawirada

 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com