shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Somaliland iyo Samirka Gabooyaha

(Hargaysa,  July 29,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa mahad leh Allaha  maamulka koonkani gacantiisa ku jirto,marka ugu horaysa waxaan hambalyo u soo jeedinayaa dhammaan shacbiga soomalilad hambalyadaas oo ku aadan sida ay mar walba nabada mudnaanta u siiyaan ka soo bilow shirkii Boorame waana wax mudan in lagaga daydo,Shayga nabada la yiraahdo waxay ka abuurantaa ama aasaas u ah mujtamaca oo garta faraqa u dhexeeya iyada iyo nabad darada,ama haddii aan si kale u iraahdo marka mujtamacu mahadin waayo wanaaga nabada waxa yimaada oo qof walbi og yahay.


Soomaalida ayaa ku maahmaahda (ninba meesha bugtaa isagay belbeshaa).Sidaan wada ognahay halganka ama sidii ay ku abuurantay Somaliland  waxaa sal u ahaa qaybo mujtamaca waqooyiga ka mid ah oo cadaalad daro iyo takoor ka tirsanaayey maamul jira.waa suuragaleen waxii loo halgamaayey oo ahay in cadaalad daradu ay la joojiyo,waa cadahay ama waa og yahay qofka cadaalad darada lagu sameeyey xannuunka ay leedahay waana waajib inuu ka fogaado cadaalad daro inuu sameeyo .Haddii aan aan ararta ka hadho oo oo dulucda sheekadayda u soo gunda dego.waan ognahay somaliland markii ay ku dhawaaqday gooni isu taaga iyo halganka loogu jiro Ictiraaf ama aqoonsi, waan ognahay sida hadba doc wax ugu faruurmaan, ma garano waxa meesha ku jiraa inuu yahay  dulmigii aan ka dagaalanay oo aan ku hayno qaybo mujtamaca ka mid ah.

Gabooyahu waa mujtamaca la wada og yahay xaalada ay kaga nool yahiin gebi ahaan geyiga soomaalida gaar ahaan soomaaliland, waxay degaan dhammaan gobolada soomaalilad waa muwaadiniin ka qatan waxii ay ula sinaayeen dhammaan muwaadiniinta soomaali land sida waxbarashada, Cadaalada, Shaqada iyo dhammaan waxyaabaha nolosha aasaaska u ah, waxaan soo xasuustay qoraal aan waqti hore meel ku arkay kaas oo ahaa hayada la yiraahdo(Habitat) oo ah hayad guryo u dhista dadka jilicasan mashaariic ay hargeysa ka dhisaysay qaabkii uu  ahaa guri uu helay muwaadinka gabooyaha ahi  marka la barbar dhigo kii kale ee uu helay muwaadinka Isaaqa ama Gudabiirsigu.Caana beeshadu markii ay halkaas gaarto waxii ka dambeeyaa sow ceeb iyo fadeexad ma aha,Dadka wada mashaariicda noocaas oo kale ahi waa inay ka feejignaadaan sumcad xumada ay u keenayaan maamulad jira. waxay ahayd sheeko adduunka debed iyo gudo ku faaftay gaartayna hayadaha xaquuqda bini'aadanka.Siday noqon karaa horumarka laga filan karo meel dulmigaasi yaal.


Mudadii daahir riyaale iyo kuwii ka horeeyey arinta gabooyahu waxay ahayd mid aan cidina xil iska saarin ma dhehaayo Siilaanyo ayaa ka fiicnaan doona balse waa Allaha awooda leh ka wax bebedalaa  Raxmadiisana lagama quusto. Haddii la rabo wanaag waa in muwaadiniintu la simo,marka cadaaladi timaado wax walbi iyagaa is furfuraaya Insha allah, Gabooyahu ma laha cid ugu jirta golayaasha somaaliland oo ay iyagu doorteen, mana jiro degaan ay ka yahiin dadka ugu tirada badan(majority) markaa waa adagtahay inay codkooda wax ku helaan, markaa waa in dawlada cusub ee la dhisaayo dadkani ka helaan Koonto ama wax loo qorsheeyey kuwaas aan tartatan gelin sida degmooyinka gobolada xataa heer tuulo.waxaa kaloo jira waa in xukuumada cusubi ogaato inaan gabooyahu hal reer ahayn  uu yahay reero isu tegay kuna kala qaybsan dhammaan gobolada somaaliland waa uga digayaa inay shaqsiyaad wax ka maqasho macna ma laha meeshay ay degan yahiin. Dawladi waa tii ugu dhibaatooyinka badanayd marka la eego waqtiga ay xilka qabatay markaa waa inay ka fogaato inay abuurto aagag cusub oo colaadi kaga timaado.

Markii ay rabto inay arimaha gabooyaha cid kala hadasho waa inay u dhan yihiin inta magacani mideeyo oo ah Muuse dheriyo,Madhibaan,Maxaad Bare, Tumaalo iyo yibro.waa rejaynayaa in taladani noqoto mid u furan dhegaha madaxweynaha la doortay oo aan hubo inuu yahay nin soomaalida iyo gabooyahaba aqoon fiican u leh aana ku og ahay inuu khibrad u leeyahay xalinta dhibaatooyinka yimaada.waxaan filayaa inuu wajaho ama  uu ka shaqeeyo sidii uu cadaalad daradan sidii ay u soo af jarmi lahayd isagoo la kaashanaaya dadka nadiifta ah iyo  inta ka xun in dulmigani ka sii dhex jiro mujtamaca soomaalilad oo ah mid wax wada qabsada.waa inuu ka faa'iidaysto dadka  uu kow ka yahay Abwaanka soomaaliyeed ee Hadraawi  oo ah shaqsi ay u muuqato meesha wax ku socdaan haddii aan wax laga bedelin sida wax ku socdaan.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa waa in gabooyahu si wada jir ah xaqooda ugu soo istaagaan abuuraana gudi mideeya dhammaan qaybaha gabooyahu si xalku u sahlanaado .ugu dambayn arinta gabooyahu waa dhibaato adduunka hadda laga wada og yahay waana aalad ay adeegsan karo cidii rabta inay mujtamaca soomaaliland kala furfurto.
 
Ha loo wada istaago sidii cadaalad darada loo soo af jari lahaa .
wabilaahi tawfiiq
waa qalinkii Cimraan Hussein
wadanka maraykanka

webmaster@ceegaag.com