shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyihii Ciidanka Booliska gobolka Sool oo Xilkii laga Qaaday isaga iyo Masuuliyiin kale

(Laascaanood,  July 26,  2010 Ceegaag Online)

Taliyihii Ciidanka Booliska magaalada Laascaanood taliyihii Ciidanka Asluubta ee Jeelka gobolka   Sool ayaa gabi ahaantooda Xilalkii laga Qaaday, waxaana loo soo magacaabay saraakiil kale oo ka soo jeeda gobolada kale ee Maamulka somaliland uu kataliyo, lama oga sababaha keenay in Masuuliyiintaasi Xilka laga Qaado lana soo magacaabo masuuliyiin kale.
 
Taliyaha Qaybta ee booliska magaalada Laascaanood ee Xilka laga Qaaday Maxamed saleebaan(gooni) ayaa lagu Wadaa inuu masuul ka Cusub ku Wareejiyo ee Xilka loo soo magacaabay, Xilka Qaadistan ayaa timid kadib markii Habeen ka hor magaalada laascaanood laga siidaayey Qaarkamid ah Maxaabiistii halkaasi ku Xidhnayd ee lagu haysta danbiyo kala duwan.
 
Amaanka Guud ee Laascaanood ayaa Mudooyinka ahaa mid aad looga dayrinayey Waxna gobolka ku soo badanayey falalka amaandarad ah iyo Dilalka Qorshaysan ee lala beegsanayo Masuuliyiinta gobolkaasi iyo dad rayid ahba.

Ali dhagjar
Ceegaag.com


 
 

webmaster@ceegaag.com