shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo taageeray Shirkii dhawaan jaaliyada beeshu ku Yeelatay Wadanka dibadiisa, isla markaana ka hadlay arimo ka jira gudaha wadanka

 (Boocame,  July 10,  2010 Ceegaag Online)

Waraysigii Ugaas C/laahi Ciise Nuur Dhagayso

Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada Soomaaliyeed isla markaana kamid ah Isimada gobolada SSC ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya shir balaadhan oo dhawaan Qurba jooga Beesha Xasan Ugaasi ku yeesheen Wadanka dibadiisa gaar ahaan Magalaada Minneapolis  Shirkaasi oo Qurba jooga beesha Xasan Ugaasi kaga hadlayeen Guud ahaan Xaalada  beeshaasi kana soo saareen go'aamo farabadan.
 
Ugaasi C/laahi Ciise Nuur oo ah Ugaaska  Beesha Xasan Ugaasi ayaa go'aamada shirkaasi Qurba jooga beesha xasan ugaasi siwayn u soo dhaweeyey waxaan Ugaasi uu sheegay inay Qurba joogtu gaadhay go,aam midaysan kana soo saareen Qodobo lagu farxo.
 
Ugaaska ayaa intaasi raaciyey inay soo dhawaynayaa go,aakaasi ay gaadheen Jaaliyada dibada ee Beesha xasan ugaasi taageersan yihiina intooda joogta gudaha wadanka somalia oo taageersan yihiin ugaaska ayaana sidoo kale Ceegaag.com u sheegay in Jaaliyada dibadu Wax badan ka Qabatay horumarka deegaanka beesha iyo Guud ahaanba ssc, dhinacyada Waxbarashada Caafimaadka biyaha iyo Waxyaabo badan.
 
Ugu danbaytii Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa ka hadlay Arimo Dhawaanka dhacay duleedka magaalada Boocame Waxana uu Ugaasku sheegay inuu isagu yahay Ugaaska kaliya ee Beesha Xasan Ugaas, Beeshuna aanay lahay labo ugaas Waxna uu sheegay ugaas C/laahi inay Ugaasnimada u dhiibteen Guud ahaan beesha haatana uu Wali sidii ugaas ugu yahay Ugaaska Guud ee Beesha Xasan ugaas mudo dhan 17 sano.
 
 
Dhinaca kale Cuqaasha Culumada dhaliyarada iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Beesha xasan ugaasi oo horay saxaafada uga hadlay ayaa sheegay inuu ugaaska Beeshu uu yahay Ugaas C/laahi Ciise Nuur, Ugaaska ayaa intii uu ahaa Ugaasnimada ka Qayy galay shirar farabadan oo ka dhacay Wadanka gudihiisa, isagoona lagu Yaqaano ugaas C/laahi ka shaqaynta nabada iyo Hurumarka Soomaaliyeed.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.
Email calidhagjar@hotmail.com
 

webmaster@ceegaag.com