shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii saaka ka dhacay Duleedka Boosaaso, & khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi

(Boosaaso,  July 26,  2010 Ceegaag Online)

Wararkii ugu danbeeyey ee Caawa ka soo baxay goobihii lagu dagaalamay Maanta ayaa degan Caawa waxan goobtaasi Gaadhay Ciidamo farabadan oo ka socday puntland oo ka kala yimid dhamaan gobolada puntland oo gaadhay tuulada Karin oo 40-Km u jirta Magaalada Boosaaso ee gobolkaasi bari.
 
Dagaalkaasi ayaa saaka dhexmaray Ciidamo daacad u ah Wadaadka taageersan Kooxda Alshabaab ee Buuraha bari ku dhuumaalaysanaya oo lagu magacaabo Sheekh Atam ay saaka Waaberigii Weerar ku Qaaday Ciidamada Puntland oo halkaasi fariisimo kulahayaa.
 
Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi Maanta ayaa la geeyey Isbitaaalka Wayn ee magaalada Boosaaso oo la dhigay 5 askari oo dhimasho ah & tiro kale oo dhaawac ah oo katirsan Ciimada puntland, halka koocdii Wadaadkaasi hogaaminayey laga Qab Qabtay Maxaabiis badan oo kamd yahay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ah nin Argagixisada caalamka, dhimasho iyo dhaawac badana soo gaadhay.
  
Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, oo maanta ka hadlay dagaalkani ayaa sheegay inay dagaalkaasi saaka Ciidamada puntland isaga horyimaadeen koox maamulku ku sheegay in ay yihiin xarakadda Al-Shabaab,tuulada Karin isla markaana Maamulka puntland uu ka gaadhay dagaalaasi siina Wadi doono inta laga saarayo deegaanada puntland wax uuna faroole shacabka puntland ka codsaday inay taageeraan Ciidamada difaacaya iyo Maaamulkaba.
 
Dagaalkani ayaa laga Qabsi Qabaa inuu Maalinta barito ah dib uga bilaamo dhulka buuralayda ah oo la sheegay inay Ku dhuumanayaa kooxihii islaamiyiinta ahaa.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com