shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta oo Ceegaag.com uga Waramaya in Xukuumada Madaxwayne siilaanyo Diyaar u tahay Wadahadal ay la gasho Cidkastoo kasoo horjeeda.

(Hargaysa,  July 29,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Maxamed ibraahin Maxamed(Ataash)  Dhagayso

Kadib Markii Maalintii shalayto Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud siilaanyo uu ku dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Xukuumadiisa ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com taleefoonka magaalada Hargaysa kula Xidhiidhay Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Maxamed ibraahin Maxamed(Ataash) oo ka soo Jeeda gobolada SSC, Kana mid ah Qurba jooga oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
 
Wasiirka ayaa Ceegaag.com u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Xilka loo magacaabay isla markaana ka shaqaynayo Guud ahaan Nabad iyo horumarka gobolada uu ka soo Jeeda, Waxana Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta C/risaaq intaasi Raaciyey in Xukuumada Cusub ee Madaxwayne siilaanyo ku dhawaaqay ee Wasiiirka ka yahay ay diyaar u tahay inay Wadahadal la gasho Cid kastoo ka soo horjeeda siyaasada Maamulka somaliland.
 
Wasiirka ayaana intaasi Raaciyey inay ka go'antay ka Wasiir ahaa inuu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo horumarinta guud ahaan gobolada uu ka soo jeeda, Waxa uu sheegay Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta in aan loo baahnay dagaal danbe dhaca isla markaana loo Baahan yahay in Wadahadal lagu dhameeyo Waxkastoo jira.
 
Waa Wasiirkii ugu horeeyey ee katirsan Xukuumada Madaxwayne siilaanyo oo Markii ugu horaysa ka hadlaya arimaha gobolada SSC, isla markaana shaaca ka Qaada in Xukuumada siilaanyo diyaar u tahay Wadahadal uu Madaxwayne siilaanyo ku dhawaaqay Maalin ka hor.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com