shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wiil Soomaali ah oo lagala baxay beerka, Wadnada & Labada kalyood oo maydkiisa saaka laga helay Xerada qaxootiga ee Xagardheer.

 (Xagardheer,  July 13,  2010 Ceegaag Online)

Qisanan  naxdinta leh ayaa waxay ka dhacday  xerada qaxoontiga ee xagar dheer, Wiilkan oo dadiisu lagu sheegay 14 sano jir ayaa saaka waxaa maydkiisa laga helay xaafad ay degan yihiin dad reer Sudan ah (Sudanese) oo dagan xerada qaxoontiga ee xagardheer.  

Qisanada ayaa waxay ka cadhaysiisay  dadwaynihii ku noolaa xerada kadib isu soo bax ka dhacay meeshii laga helay wiilka maydkiisa ayaa markii danbe wuxuu isu badalay kacdoon shacab oo dagaal ah oo dadka somalida ah ay ku qaadeen xaafada  ay dagan tahay suudaantu ee laga helay maydka.

Ilaa iyo hada waxaa ka socda dagaal la isu adeegsaday budhadh iyo masaaro iyo dhagxuun dagaalka ayaa ilaa iyo hada waxaa ku dhaawacmay 9 soomaali ah  xaalada oo farha ka baxday ayaa police-ka Kenya  waxay xabad ku kala eryeen dadkii  dagaalamayey.

si kastaba ha ahaatee police-ka Kenya ayaa qaxoontigii suudaanta dumarkii iyo caruurtiiba ay rareen iyagoo sugayay nabad galyadooda ilaa iyo hada waxaa dagaalku u dhexeeyaa Ragii Suudaanta ahaa iyo Soomaalidii gadoodsaneey wixii war ah ee ka soo korda kala soco www.ceegaag.com,

 

C/risaaq Maxamed Ismaaciil Jiir

Xagardheer, Kenya

webmaster@ceegaag.com