shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
XAFLADA DARWIISH STUDENT SOCIETY MALAYSIA

 (Kuala Lumpur,  July 15,  2010 Ceegaag Online)

Xaflad balaaran oo ay qabsaden ardeyda ka soojeeda gobalada (SSC) sool sanaag iyo cayn ee wax kabarata dalka MALAYSIA , xaafladaasoo kadhacday CAASIMADDA KUALALUMBUR hotelka loo yaqaan HOLIDAY VILLA, xafladaasoo ahayd xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay,

Xafladaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay bulsha weynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia,
laguna martiqaaday dhamaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee kadhisan dalkaas ,

 

Xafladasoo lagufuray aayada qur’aanka kariimka ah , kadib ayaa waxaa madasha ka hadlay oday dhaqameedyo aqoon yahanno iyo culumaa’udiin iyo qaybaha kala duwan oo kamid ah dhalanyarada Iyo ururada haweenka ,

Waxayna dhamaantood ku dheeraadeen baraarujinta hormarka , wax barasha iyo midnimada umadda soomaaiyeed ,


intaakadib waxaa isna madasash ka hadlay (ODAY)( saleeban askar( hussain) oo kanamid ah qaabanqaabi yaashii xaflada kuna dheeraaday taariikhda goboladaas iyo shacabkooda iyo xaalada adag ee hada ku suganyihiin ,xusayna in lagaga bixi karo isku duubni iyo wada tashi ,

waxa isna madasha kahadlay gudoomiyaha jaliyada dssm ( dr )maxed c/raxman muuse(DR)BASBAS) gudoomiyaha ayaa baq u diray una duceeyey dhaman umada somaliyed uguna baqay inay raadiyan qaranimadii iyo wada jirkii( Somalia)

waxaa isna ka hadlay madasha gudoomiyaha jaliyada( puntland) maxamud axmed sheikh (jamuux)
gudoomiye kuxigeenka (guud)(ardayda somaliyeed) c/rashiid cali cabdi (ilka case)
gudoomiyaha ururka haweenka somaliyeed ( shaadiya cali fahiye) waxayna dhamantood xooga sareen sidii laysugu xidhilahaa bulshada somaliyeed ee kunool dalkan Malaysia


 

Intaas kadib uruku ardayda(DSSM) ayaa soosaaray tallo bixinno kuwa jahan bulshada GOBOLADA (SSC) sool,sanaag iyo cayn , kuwaasoo kala ah,

1)In lagu dadaalo midnimada iyo nabadgaliyada umada gobolada (SSC) kana fogaadaan waxkastoo KHilaaf ku abuuri kara.
2)in dib loosoo celiyo goboladda maqan loona maro wadda kastoo suura gal ah sidii dib loogu soo celinlahaa gacanta beesha ,iyadoo manta aysan ahayn maalin ay soomali isqabsankarto .
3)iney midoowaan siyaasiyiintaa gaboladda ka soojeeda (SSC)kana fogaadaan isufiirsiga iyo siyaasadaha guracan ee dhaxalsiisay in lagumaaday dad maato ah oon waxba galabsan, qaarnna ay xabsiyada ka buuxaan .
4) in kor loo qado hormarinta wax barasha taasoo lagu gaari karo waxkastoo lahiig sanayo .
5)mabda’a ardeyda ( DSSM) ma’aha mid ku saleysan taageerid shakhsiyaad gaar ah balse wuxuu ku saleysan yahay cidkastoo si sax ah u wada danta beesha. (SSC) .

Daawo Sawirada
 



 

Gudoomiyaha: DR:MAXAMED C/RAXMAAN (dr:basbaas)
Gudoomiye kuxigeen: MR:C/FATAAX MAXAMED MUUSE(geele)



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com