shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xawaalada Qaran ee magaalada gaalkacyo oo la dhacay lana Qaatay hantidii halkaasi taalay.

(Gaalkacyo,  July 31,  2010 Ceegaag Online)

Koox dablay Hubaysan ah ayaa saaka Weerar ku Qaaday Xarunta Shirkada Xawaalada Qaran ee magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi mudug, waxana Weerarkaasi lagu dilay Mid kamid ahaa ilaada shirkada xawaalada Qarax Express ee magaalada gaalkacyo waxaana kaloo dhaawac Culusi soo gaadhay mid kamid shaqaalaha shirkadaasi oo xiligaasi ku sugnaa isla gudaha xawaalada oo ay ka socotay shaqada Xawaaladaasi maanta galinkii hore.

Weerarkaasi ayaa maantaa waxa fuliyey sida Ceegaag.com u sheegeen Qaarkamid ah ganacsatada magaalada gaalkacyo iyo koox hubaysan oo hayb ahaan ka soo jeeda koonfurta magaalada gaalkacyo, waxaana kaloo xawaalada laga Qaatay lacag dhan $500,000 oo kamid ahayd lacagihii Macaamiisha xawaaladaasi oo dibada laga soo diri jiray iyo mid ah lahaayeen ganactasada gobolkaasi kunool.

Kooxdaasi dablayda ah ayaa maanta lacagtii ay ka Qaateen xawaalada magaalada gaalkacyo ula baxsaday dhinaca koofureed ee magaalada gaalkacyo oo kooxdaasi ka soo jeeday sida ay Ceegaag.com u sheegeen Qaarkamid ah goob joogayaal gaalkacyo ku sugan, lama oga sababaya weerarkaasi loogu Qaaday xawaalada Qaran ee magaalada gaalkacyo maanta.

Cali Dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com