shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Masjid Jaamaca Xaaji Cali Cilmi Iidle ee Degmada Ceegaag oo maanta la furay.

 (Ceegaag,  July 02,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa Goobta Furay dadkana kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Jamacada Nugaal University Pro: Lafoole oo yidhi Dhagayso

 

Dhagayso Kalmadii Isimada Dhagayso

Magaalada Ceegaag Waxaa Maanta ka dhacday Xaflad balaadhan oo Xadhiga looga jaray Misaajid loogu magacdaray Marxuun Xaaji Cali Cilmi Iidle, Waxana furitaanka Misaajidkaasi saaka ka soo Qayb galay dhamaan Isimada Gobolka Cayn Culumada, Ganacsatada Buuhoodle oo saaka wafti balaadhan kaga anba baxay magaalada Buuhoodle.

Waftigaasi oo hogaaminayo Garaad C/laahi Garaad Soofe kana mid ahaayeen Garaad Saleebaan Buraale, Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Culumada Buuhoodle oo hormuud u ahaa Sheekh Cumar Sheekh Cismaan oo ah Sheekha ugu sareeya saalixyada deegaanka Buuhoodle iyo Culumo kale.
 
Sidoo kale furitaanka Misaajidkaasi ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Culumada gobolka Sool oo hogaaminayo Sheekh Cabdi Naasir oo safarkaasi ku Wehelinayey Gudoomiyaha Jaamaca Nugaal Prof. C/Risaaq Maxamed Aadan Lafoole iyo Qaarkamid ah ganacsatada magaalada Laascaanood oo iyaguna maanta xafladaasi goob joog ka ahaa Furitaanka Misaajida Xaaji Cali Cilmi.
 
Ujeeda safarkaasi Waftiyadaasi ayaa ahayd sidii maanta loo furilahaa Misaajidkaasi oo xafladaasi maanta Qiimaha badan loogu Qabtay magaalada Ceegaag, ugu horayna waxa munaasabada ka hadlay gudoomiyaha jamac nugaal Lafoole oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka misaajidkan maanta iyo imaanshiiyaha waftiyada kala duwan.

 
Waxaana kaloo halkaasi ka hadlay dhamaan Isimada oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshiiyaha magaalada Ceegaag iyo furitaanka misaajidka waxayna  aad ugu mahad celiyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey magaalada Ceegaag iyagoo mahad balaadhan u jeediyey dadkii dhisay misaajidka.

Dhismaha Masaajidkan ayaa waxaa ka qaybqaatay faraca Sheekh Xaaji Cali Cilmi iyo dadka islaamka ah oo ay ugu horeeyaan Hay'ada Almanhal oo ah hay'ad Islaamiya

Waxaan ka cudur daarananaa quubadihii Garaad C/laahi Garaad Soofe, Caaqil Cabdi Jaamac gaydh, Cabdi Cali Abokor iyo Sheekh Cumar Suudaani in ay noo furmiwaayeen balse aad kaga bogondoonto xafladii masaajidka oo dhameystiran TV-ga Universal oo ay soo gudbindoonto shabakada Ceegaag.com qadar saacado gudahooda ah "(Xuseen Fiin).

Kalmadii Sheekhul dariiqaha Saalixiyada Dhagayso

Kalmadii Cabdi Xaaji Cali Cabdi RiigleDhagayso

 

webmaster@ceegaag.com