shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Muuqaalka Baliga Sacmadeeqa oo ah meeshii uu ku dhashay Ustaad: Sayid Maxamed  Cabdula Xasan

 (Sacmadeeqa,  July 02,  2010 Ceegaag Online)

Sida aynu ognahay dadyawga adduunka inagula nooli waxa ay leeyhiin meelo taariikhi ah oo ay ku xasuustaan dad halgamayaal ahaan jiray ama dad agtooda ku weyn. Haddaba Soomaali ahaan waxa aynu dadka kala mid nahay oo aynu leenahay meelo taariikhi ah oo ay ku xasuusano dad dhaxal wanaaagsan inooga tagey.

 Haddaba meelahaa taariikhiga ah ee aynu leenahay waxaa ka mid ah sacmadeeqa. Sacmadeeqa waa meeshii uu ku dhashay halgamaagii weynaa ee soomaaliyeed ahaana sayidkii daraawiisheed Maxamed Cabdulle Xasan alla ha u naxariistee sanadkii 1956kii. Wuxuu kaloo sanadkaasi caan ku yahay oo loo yaqaan gu'gii Gobeysane.
 
Sacmadeeqa waa laas qorfood oo 25km  dhanka waqooyi kaxiga magaalada Buuhoodle waana meel xooluhu ay kacabaan oo leh dhul daaqsin aad u wanaagsan waxaana ku yaala ceelal iyo laasas farabadan oo xooluhu iyo dadkuba ay cabaan.
 
 
Haddaba balliga Sacmadeeqa waxaa ku dhextaalla meel layidhaahdo ubbo kalax oo ah bogcaddii uu ku dhashay sayid maxamed cabdille xasan.
 
 Haddaba si' aan loo ilaawin meeshan taariikhiga ah ee ku dhashay sayidku ayaa waxaa taallo lagu xasuusto ka taagay dawladdii kacaanka ee maxamed siyaad barre sanadkii 1973kii taalladaas oo illaa iyo hadda ka taagan meesheedii kana badbaaday burburkii soomaaliya halka taallooyinkii la midka ahaa sida taalladii seyidka ee ku taalay muqdisho la burburiyay.
 
 
sacmadeeqa waxa ay caan ku tahay dalxiiska iyada oo ah meel aad ubilicsan oo soo jiidada dalxiisayaasha waana meesha ugu dalxiiska badan ee dadka deegaankan gobolka cayn ay u aadaan dalxiiska xilliyada fasaxa ama xilliyada ay roobabku da'aan.

 

webmaster@ceegaag.com