shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Najiijadii Doorashada Maamulka Somaliland oo goordhawayd lagu dhawaaqay in Axmed siilaanyo oo ku guulaystay, taariikh nololeedkiisa oo kooban

 (Hargaysa,  July 01,  2010 Ceegaag Online)

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo
 

Wararka Hada naga soo gaadhay magaalada Hargaysa ayaa ku soo waramaya in gudiga Doorashada Somaliland uu Caawa fiidkii hotelka Maansoor kaga dhawaaqay Najiijadii doorashadii Maamulka Somaliland dhawaan ka dhacday oo najiijadii Gudiga doorashooyinku ku dhawaaqeen,
 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Ciise Yusuf Maxamed, ayaa uga dhawaaqay munaasabd weli ka socota Maansoor, in Axmed Maxamed Silaanyo, uu ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada Maamulka somaliland ka dhacday todobaadkani gudihiisa.


Xisbiga KULMIYE wuxuu helay 266,906 cod oo u dhiganta 49.50% dadka codka bixiyay.
UDUB wuxuu helay 178,881 cod oo u dhiganta 33.23% inta codka dhiibatay.
Xisbiga UCID wuxuu helay 29,459 cod oo u dhiganta 17.18%
Halkaas waxay guushu ku raacday Axmed Maxamed Silaanyo oo noqday madaxweynihii afraad ee Somaliland.
Waxaa isaguna ku guuleystay madaxweyne ku Xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo loo yaqaan Zeylici.
Halkaas waxay guushu ku raacday Xisbiga Kulmiye, oo ka guuleystay Xisbiga UDUB oo talada haya iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
 

Madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Silaaanyo, oo isla goobtii looga dhawaaqay natiijada kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka loo doortay, kuna hambalyeyenayo shacabka iyo Guddiga doorashadaba.
 
 
Taariikh Nololeedkii Madaxwaynaha Cusub ee Maamulka somaliland Axmed siilaanyo.
 
Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada Burco sannadkii 1936.
Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare wuxuu ku dhammaystay labada Dugsi ee qiimaha badan ee Shiikh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946 ilaa iyo 1960.
1960-kii ilaa iyo 1965-tii wuxuu Axmed-Siilaanyo ku jiray Jaamacad ku taal Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaas oo uu ku qaatay shahaaddada koowaad iyo tan labaad ee cilmiga Dhaqaalaha.
 
Intii u dhaxaysay 1965 ilaa Oktoober 1969, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo gaadhay darejada Agaasime Guud.
 
Markii militerigu talada afgambi kula wareegay 21kii Oktoober 1969, waxaa Axmed-Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta.
 
Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ilaa 1982 oo uu ka baxsaday dowladdii kacaanka.
1982, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, isaga noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.
 
Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed-Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM.
18 May 1991 shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen gooni isutaagga Somaliland wuxuu Axmed-Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.
 
 
Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993 wuxuuna ka tirsanaa ilaa 1997.
1997 ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed-Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta, isaga oo markii danbe iskii isu casilay.
Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu guddoomiye ka noqday.
 
 
Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed-Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 cod oo keliya, waanay aqbaleen.
 
Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, uu hadda u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isaga oo madaxweyne ku xigeenna u sharaxan yahay xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.
 
Axmed-Siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirdde, oo ah qof aqoon yahan ah.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com