shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Carqaladaha ganacsi ee ka jira Qaarada Africa (Hindrances to do business in Africa)

 

(London,  April 08,  2011 Ceegaag Online)

Casharkii hore waxaa aynu kusoo qaadanay fursadaha ganacsi ee ka jira qaarada afrika, casharkan waxaan wax kaga soo qaadan doonaa qaar ka mid ah caqabadaha ka gancsiga qaarada afrika.

Waxaan shaki ka jirin in qaarada africa ay ka jiraan jaanisyo badan oo aan ka jirin adduunyada hore u martay. Waxaanan kusoo qaadanay casharkii hore jaanisyo badan oo ka jira qaaradan africa.

Casharka maanta waxaan kusoo qaadan doonaa caqabadaha ama carqaladaha ka hor imanaaya qofka raba in uu maal gashi ka sameeyo qaaradan africa.

Si aan uga faaiidaysano fursadaha ganacsi ee yaala qaaradan afrika waa in aynu samayno daraasad xog-uruurineed (feasibility study) inta aynaan waxba bilaabin taas oo inoo sahlaysa in aan suuqyada si fudud ula qabsan karo. Waana in aynu ka dhignaa ganacsiga soomaalida mid koraaya oo aqoon ku salaysan lehna aragti cad (vision) iyo ujeedo (objective.)

Laaluush (bribery):

Laaluushka ama musuqmaasuqu (corruption) waa dhibaatooyinka ugu badan ee haysta dadka ama wadamada africa dhamaantood. Laaluushka wadamada africa qaarkood waxaa looga yaqaanaa dhiirigeliye (motivator) waana wax agtooda ka noqday wax aan xumaan ahayn oo caadi ah. Laaluushku ma aha mid aad bixinayso hal mar iyo laba toona waa mid aad bixinayso ilaa inta uu ganacsigaagu ka jiro qaarada africa sidaad doontaba u bixiyo.

Waxaan arkay wadamo uu laaluushku yahay wax cidwaliba ay ku dhaqanto xataa madaxda waddanka, xataa waxaad arkaysaa shaqaale ku leh gacantu masaxeexi karto warqadda ilaa shidaal lagu shubo.

Cashuur sare (high taxation):

Dawladdaha africa waxaa ay ka siman yihiin cashuur xad dhaaf ah oo la saaro dadka ganacsatada ah ama dadka raba in ay maalgashi sameeyaan. Goobaha cashuurta lagu qaadaa ma aha goobo nidaamsan waxaanad moodaa meelo loogu talo galay in keliya lagu curyaamiyo dadka ganacsatada ah. Xataa haddii ay dawladdu wada heli lahayd cashuurta saxda ah ee ay bixiyaan dadka wax lasoo degayaa waxaa suurto gal ahaan lahayd in la arko africa oo kor u socota.

Cashuurta saaidka ahi waxa ay ku khasbtay dadkii wax lasoo degaayay in ay been ka sheegaan qiimaha badeecadda ay lasoo degaan ee saxda ah, tusaale ahaan badeeco $10,000 ayaa lagu sheegayaa $2500 kedibna cashuurtu waa ay is dhimaysaa. Taasina waxaa ay keenaysaa in ay dawladdu cashuur hagaagsan qaadan weydo kedibna ay cashuuro kale oo dheeri ah soo saaraan.

Cashuurta ma aha ta keliya ee la iska qaado marka aad lasoo degayso badeeco laakiin waxaa jira lacago kale oo la bixiyo laguna bixiyo meelo kala duwan.

Nabadgelyo xumo (lack of security):

Waxaan shaki ku jirin nadabgelyo xumo in ay hooyo ka tahay caqabadaha hor taagan horumarka xaga ganacsiga ee africa. Amni darada waxaa ka mida Boob, dhac ama nidaam tuuganimo oo xeeladaysan in laguula yimaado.

Kaabayasha dhaqaale la’aan (lack of good infrustructure):

Meelo badan oo qaraadan africa ka mid ah ayaa dhibka ugu weyn ee ay la kulmaan dadkii maalgashiga samayn lahaa ay tahay kaabayaashi dhaqaalaha oo aad uyar amaba aan jirinba sida layrka, biyaha, gaadiidka, caafimaadka, wadooyinka, dekadaha, airports iwm. Dekadaha qaar ayaa aad uga fog magaalooyinka waaweyn ee laga ganacsan lahaa qaarna maba laha dekado (land locked).

Xafiisyo badan (Massive bureaucracy):

Dhibaatooyinka kale ee ka jira africa waxaa ka midah xafiisyo badan oo is daba ayaala oo mid waliba warqad maalin lagu dhamyn lahaa uu haysanaayo muddo. Taas oo xafiis waliba uu u baahan yahay laaluush iyo in aad daba taagnaato oo waqti badani kaaga lumo.

Badanaa wadamada afrika marka laga reebo Rwanda iyo S/Afrika culays badan ayaa ka jira dhinaca waraaqo badan oo sharci ah ama aan sharci ahayn sidii waqti go’an loogu heli lahaa. Haddii aad u baahato warqad hal saac qaadan lahayd waxay qaadanaysaa hal wiik iyo wax ka badan.

Dhaqaalaha afrika oon deganayn (Unstable economy):

Dhaqaalaha africa ma aha mid degan waxaanad arkaysaa lacagtii oo kolna hoos u socta kolna kor usucota (fluctuation). Badeecaddii aad shalay ku iibinaysay qiime fiican ayaa saaka isbedel aad ku arkaysaa. Isbedelka qiimaha lacagtu waa culays haysta dhamaan shirkaddaha hore u jiray iyo kuwa suuqa hadda soo galaayaba.

Maqnaanshaha xukuumad fiican (absence of good governance):

Dhibaatooyinka kale ee haysta qaaradan waxaa ka mid ah maamul xumo ba’an oo dhinacwalba ka haysata. Lama oran karo dadka afrikaanka ah ayaa ah dad dib usocod ah laakiin dib udhanaca dhinaca ganacsiga waxaa sabab u ah xuukumadaha oo haba yaraate aan diyaar u ahayn in ay waddamadooda hore u mariyaan.

Tusaale ahaan Waddanka Rwanda waa wadanka afrika ugu horeeya dhinaca fududaynta waraaqaha ganacsiga ama shirkaddaba. Tusaale ahaan haddii aad maanta timaado caasimadda Rwanda ee Kigaali waxaa sharciga lagugu siinayaa muddo 24 saacadood ah waxaana aad bixinaysaa $50 keliya. U fiirso waa waddan ay dhibaato muddo kasoo jirtay waxaan oran karaa waa waddanka afrika ugu amniga badan maanta. Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame waxaa uu muujiyay karti iyo maamul fiican oo africa oo dhan u noqon kara wax lagu faano. Rwanda waa waddanka keliya ee afrika ee aan lagu weydiinayn amaba xabsi lagu galo laaluush. Marka aad xuduudka ka gelayso Rwanda waxaa ku qoran Investment yes corruption no) taas oo ah maalgashi haa laakiin laalush maya.

Markaad eegto Rwanda waa waddan lagu laayay in kabadan million qof ayaa hadana maamulka kajira, nadaafada ka jirta iyo horumarka waddanka aad la yaabaysaa. Maxaa keenay ma xaga dadka ayay ka timi mise xaga dawladda, waxaan oran karaa waxay ka timi xaga hogaanka sare oo ah dad daacad ah oo diyaar u ah horumar iyo barwaaqo in ay gaarsiiyaan dadkooda. Haddii Rwanda ay sidaa kusii socoto waxaan shaki ka jirin ay muddo kooban hogaamin doonto waddamo badan oo afrikaan ah oo muddo dheer soo jiray. Rwanda dhibka ugu badan ee haystaa waa waddan yar oo aan lahayn deked dadkiisuna aad ayay u yaryihiin waana dad sabool ah.

Dhibka soomalida haysta:

Soomalida waxaa ay ganacsiga kusoo jireen muddo dheer oo la oran karo waa muddo uu qofku ku yeelan karo waayo aragnimo ganacsi. Hadana waxaad moodaa in soomalida maalintii ay bilaabeen ganacsiga afrika ilaa hadda ay isku si uwada fakirayaan taasoo oo keentay in ay soo wajahdo dhibaato culus oo dhinaca ganacsiga ah.

Haddii aan tusaale kooban usoo qaadano waqtigii ay soomalidu soo gashay meelo badan oo ka mid ah afrika waxaa ay ka bilaabeen iibinta waxyaalaha daruuriyaadka ah sida cuntada, dharka, kabaha, bagaashka iyo electronics. si fiican ayay suuqyadaana ugu guulaysteen waxaana ay meelo badan ka riixeen dadkii ganacsigaa samayn jiray oo ah Hindi si fiican u taqaana suuqyada welibana qiimaha sixirkoodu uu aad u sareeyo.

Hindidi markii ay ogaadeen sida uu suuqu ku socdo waxaa ay bilaabeen in ay u wareegaan dhinaca warshadaha yaryar (light industry) ama jumlad layaal waaweyn (distributors). Taas oo keentay in ay si fiican u qabsadaan suuqyo kale oo cusub oo ka banaanaa afrika. Soomalida ayaa looga tagay suuqyada lagu gado waxyaalaha daruuriyaadka ahaa. Soomalidu waxaa ay wadaba waxaa yimi xili ayagana ay soo food saartay in dadkii afrikaanka ahaa ee wadanka u dhashay ay soo fahmaan ganacsiga, qaarkood iskood ayay u barteen qaarna soomaalida ayaa bartay meelaha laga keeno iyo qiimaha lagu keenaba.

Dhibaatada kale ee beryahan soo baxday waxaa ka mid ah in dhamaan soomalida looga shakiyo in ay xiriir la leeyihiin kooxaha ka dagaalamaya soomaliya. Xataa dadka sita passport kale oo aan ahayn soomaliga waxa lagu weydiinayaa asalkaagii xagaad kasoo jeedaa markaad tiraahdo soomaliya waxaa lagu saarayaa calaamatu su’aal (?). ma aha keliya waddamada East Afrika kuwa sidaan samaynayaa laakiin waa wadamo kale oo xataa aan aqoonba soomalida waayo TV ayaa laga daawadaa.

Hadaba waxaa is weydiin leh hindidi waxaa ay u baxeen warshadaha yaryar markii ay arkeen in soomalidu suuqyada soo gashay, soomalidu halkee ayay u baxaysaa marka dadkii waddanka u dhashay ee afrikaanka ahaa ay suuqyada soo galaan oo ay bartaan ganacsigii soomalida iyo halka ay kasoo qaaadaanba?. Jawaabta dadweynaha ayaan u dhaafayaa?

Lasoco casharka kan xiga wiikwalba haddii ALLAH yiraa

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

             

                                                                              

webmaster@ceegaag.com