shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ganacsiga iyo xiriirka dadweynaha (public relations)

 

(London,  April 23,  2011 Ceegaag Online)

 

Kelmada xiriirka dadweynaha ama la macaamilka dadweynaha ee loo yaqaan public relations loona soo gaabiyo (PR) waxaa lagu qeexi karaa qeexido badan oo isu wada dhawdhaw, haddan soo koobno waxaan ku qeexi karaa waa qorshaynta, adkaynta, is fahamsiinta, sawir fiican ka bixinta shirkadd ama urur iyo dadweyne. Waxaa kale oo lagu qeexaa waa xiriirinta urur, shirkadd ama shakhsi iyo dadweynaha.

 

Ujeedada ugu weyn ee loo sameeyo waaxdan PR waa in la abuuro bulsho (community) iyo shirkadd wada socda lana dhagaysto bulshada waana in uu qaado gudbiyina siyaasadda iyo danaha shirkaddu una gubiyo dadweynaha. Public relation officer waxaa loo yaqanaa afhayeenka shikradda ama ururka (spokesperson). Waxaa kale oo la yiraa shaqada muhiimka ah ee PRO waa samcad ilaaliyaha shirkadd ama urur (reputation protector). masuuliyadda PRO waa in uu horumariyo adeegyadda ama badeecadda shirkadd, isagoo taas u maraaya in uu qabanqaabiyo shirar iyo kulamo, inu uu qabto bandhigyo, in uu ku qoro qoraalo jaraaidka amaba website ay leedahay shirkaddu.

 

Maanta shirkaddo badan oo ay ka mid yihiin shirkaddaha soomalida ayaanba aqoon fiican u lahayn waxa uu yahay PR. Waxaad arkaysaa shirkaddaha waaweyn ee soomalida oo inta badan uu hadlaayo ninka CEO. Taasina waxay cadaynaysaa in weli shirkaddaha soomalidu aanay ka korin nidaamka loo yaqaan maamul keligii taliye (authoritarian management) oo ah in hal qofi uu noqdo CEO isla markaana uu yahay Marketing manager, hadana uu yahay PRO waxwalba uu asagu rabo in uu ka hadlo ama qabto. Waxaan hore usoo sheegnay faaiidada ay leedahay maamulka oo lakala fudaydiyo (delegation) isla markaana qofwaliba ay u calaamad santahay waxa uu qabanaayo iyo masuuliyadiisu waxaa ay tahay.

 

Dhamaan shirkadduhu uma wada baahna PR waayo waxaa ay ku xiran tahay baaxada shirkadda, laakiin shirkaddaha u baahan PR waa shirkaddaha waaweyn sida xawiladdaha iyo isgaarsiinta. Waxaan oran karaa soomalidu waa dadku ugu baahida badan leh in lasameeyo PR, sababtoo ah waa dad afka wixii war ah isku gaarsiiya, markaa haddiiba hal qofi been uu ka sheego shirkadd ama hal qofi uu wax xun ka qoro shirkadd intii kale oo dhan ayaa warkaa qaadanaysa ayagoon iska hubinin.

 

Maadama soomalidu ay ka midyihiin dadyawga afrika ugu isticmaalka badan leh shebekadaha wararka waxaa si fudud ay u keeni kartaa in warbixino qaldan laga faafiyo shirkaddo kale isla markaa si fudud loo baabiyo shirkadd muddo dheer soo jirtay soona shaqaynaysay. Si taas looga hortago waa in lasameeyaa PR oo ah waaxdii ilaalin lahayd sumacadda shirkadda lana socon lahayd sheekooyinka suuqa soo galaaya iyo dhamaan qoraalada ku lidiga ah shirkadda ee la qoraayo iwm.

 

Waxaan oran karaa shirkaddihii xawilaadaha burburay ee soomalida waxaa ugu wacnaa burburkooda wararka suuqa u galay oo aan la ilaalinin buruburka ugu weyni waxaa uu ka yimi warar la faafiyay oo suuqyada galay kedibna qof waliba wixii uu hayay ayuu la fariistay ayadoo ay fududayd in la daba qaban karo,  waa in soomalidu ay ku baraarugtaa faaiidada ay leedahay PR oo runtii ah isku xirka bulshada iyo shirkadda. Shirkaddaha qaar ayaa PR  waxaa qaabilsan marketing manager ma aha sidaa shaqo ahaan waa ay isku dhaw yihiin laakiin marketing manager waxaa uu ku dadalaa kobcinta adeega ama badeecadda halka PRO uu ku dadaalo ilaalinta magaca iyo sumacadda shirkadda.

 

Shirkaddo waaweyn oo xawilaado ahaa oo aan soomaliba ahayn ayaa ayaguna waxaa la sheegaa waxyaalaha burburiyay in ay qayb ka ahayd warbaahinta oo warar aan sax ahayn sii daayay.

Hadaba waa in aan ku baraarugnaa faaiidada uu leeyahay PR inta ay goori goor tahayna ay shirkaddaha waaweyni ku dadaalaan in ay sameeyaan waaaxdan ilaalinaysa samcadda shirkadda.

 

Faraqa u dhaxeeya marketing and public relations:

 

Waxaan shaki ku jirin in dadku ay isku qaldaan PR iyo Marketing. Laakiin waxaan si kooban hoos ugu sharixi doonaa faraqa muhiimka ah ee u dhaxeeya:

 

·         Marka laga hadlaayo marketing waxaa la horumariyaa badeecadda shirkadda halka PR lagu dadaalo sidii loo horumarin lahaa magaca shirkadda.

·         Marketing waxaa uu xooga saara sidii loo iibin lahaa badeecadda, PR waxaa xooga lasaaraa sidii loo iibin lahaa magaca shirkadda (brand).

·         Marketing waxaa uu xooga saaraa sidii loo iibgayn lahaa badeeco iyo qiimihii lagu iibin lahaa, laakiin PR waxaa uu xooga saaraa marketing la sameeyay bal sida ay dadku u arkeen iyo sidii loo sameeyayba.

·         Marketing waxaa lagu dadaalaa sidii loo heli lahaa faaiido (profit), laakii PR waxaa ay ku dadalaan sidii shirkaddu samcad u heli lahayd(reputation).

 

Shaqada madaxa xiriirka dadweynaha (public relation officer):

 

·         Wuxuu ilaaliyaa warbixinta ka baxaysa shirkadda ee la siinaayo warbaahinta.

·         Isaga ayaa xiriiriya shirkadda iyo warbaahinta.

·         Haddii ay dhibaato weyni ku timaado shirkadda waa shaqsiga ugu horeeya ee wax hagaajiya.

·         Waxa uu hubiyaa in xayaysiintu ay gaartay dadkii saxda ahaa (target audience).

·         Wuxuu kobciyaa sumcada shirkadda.

·         Waxa uu dejiyaa ama qoraa wixii khutbo ah (speeches) ee ay jeedinayaan madaxda usaraysa shirkaddu.

·         Waxaa uu kobciyaa xiriirka u dhaxeeya maamulka iyo shaqaalaha.

·         Waxa ay bixiyaan war sax ah oo lagu kalsoonaan karo si loo qanciyo dadweynaha ama macaamiisha.

·         Xiriirinta shirkadda, sharciyaqaanda iyo dawladda

·         wuxuu qorsheeyaa ololaha shaqo ee sannadka

·         wuxuu xiriir la leeyahay madaxda kale gaar ahaan CEO ama madaxa kale ee shirkadda haddiiba ay soo baxaan waxyaalo la isku khilaafsan yahay.

·         Wuxuu ka qayb qaataa nidaamka lacag uruurinta ee loo samaynaayo shirkadda (fund raising)

·         Wuxuu isku duba ridaa wixii bandhig ah ee la samaynaayo.

 

Xirfadaha looga baahan yahay PRO:

 

·         Waa in uu si fiican u yaqaana xirfadaha iib-gaynta (sales skills) iyo xirfadaha suuq-gaynta (marketing skills).

·         Waa in uu leeyahay xirfad wax qoris (writing skills).

·         Waa in uu leeyahay xirfad hogaamineed (managerial skills).

·         Waa in uu yahay qof hal abuur leh (creativity) isla markaana keenaya fikrado cusub (innovation).

·         Waa in uu suuqa si fiican ula socdaa gaar ahaan tartamayaasha.

·         Waa in uu wax ka yaqaano cilmi-nafsiga (psychology) si uu usoo jiidan karo dadweynaha.

·         Waa in uu noqdaa dhib-xaliye (problem solver) marka ay soo baxaan dhibaato u dhaxaysa shirkadda iyo dadweynaha.

·         Waa in uu yahay qof sabir leh si uu ugu dulqaato su’aalaha ay weydiinayaan warbaahintu.

·         Waa in qofku wax ka yaqaano xirfada saxaafada iyo xayaysiinta.

 

Lasoco wiika dambe iyo barnaamijka ganacsiga insha ALLAAH.

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

             

                                                                              

webmaster@ceegaag.com