shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guuldarada ganacsigu waa dariiqa guusha

 

(London,  April 15,  2011 Ceegaag Online)

Waxyaalaha maanta adduunka dhan loo halgamaayo waa sidii loo heli lahaa lacag, magac, caanimo, iyo sharaf. Haddii runta laga hadlaayo haddii intaas oo dhan larabo waa in loo hogaansamaa cidii waxaas oo dhan bixinaysa oo ah ALLAAH. Lacag in la helaa maanta adduunkan ma adka laakiin waxaa ay ku adag tahay ninkii isku adkeeya. Waxaan shaki ku jirin in qofku haddiiba uu himma leeyahay (goal) amaba ay jirto wax uu ku riyoonayaa uu gaari karo intay doontaba ha qaadato.

 Waxaan shaki ku jirin in guuldaradu ay tahay talaabada ugu horaysa ee loo qaado dhinaca guusha. Guuldarada uguweynina waa iyadoo qofka marka culays ka horyimaado is dhiiba. Haddiba aad rabto in aad samayso ganacsi weyn u diyaar garow qaladaad waaweyn. Kolba qaladka aad samaynaysaa wuxuu ku xiran yahay inta uu leegyahay ganacsiga aad samaynaysaa.

Ku guuldaraysashada ganacsigu waxaa ay dadka qaar ku keentaa niyad jab weyn, fashilka ku yimaada shirkadd ama qof waxa uu keenaa in ay dadka maamulka ahi mararka qaarkood ooyaan, ay ka shaleeyaan in aanay mardambe bilaabin ganacsi, waxaanay ku keentaa niyad jab aad u weyn balse waxaa ay gaarsiisaa in uu qofku naftiisa dhib usoo jiido. Laakiin dadka yaqaana ganacsigu waxaa ay ku tilmaameen fashilka ku yimaada ganacsi ama qof in uu yahay macalin ku baraaya sidii aad u guulasyan lahayd, fashilkuna waa qalabkii ku bari lahaa sidaad wax u hagaajin lahayd.

Qorshe (plan) waxaan shaki ku jirin in uu yahay dariiqii aad ku gaari lahayd riyada ganacsiga aad rabto in aad samayso amaba aad rabto in uu ganacsigaagu gaaro. Guusha ugu horaysa waxaad ku gaari kartaa in aad samaysato yool (goal) wax aad higsanayso. Dadka ku horumaray hogaaminta shirkaddaha ganacsiga waxa ay yiraahdaan qofku in uu qani noqdaa waxa ay ka bilaambantaa maskaxda fayow iyo  hadalka fiican ee leh qorshe nidaamsan. Si aad u gaarto ujeedada aad leedahay waa in aad noqotaa qof sugan oon isbedbedel aan lahayn, sabir badan oo toosan. Waxaan ognahay in sabirka lagaga gudbo xaalado badan oo adag laguna gaaro inta aad gaarayso guusha aad higsanayso.

Waxaa ay dabeecaddu  (nature) ina baraysaa in wax waliba ay si tartib tartiib ah u kacaan amaba u kobcaan. Macnaha guushuna waa go’aankii aad gaartay oo aad dhamystirto. Hadafka oo la gundhigaa (goal setting) waa hab xeeladaysan oo ay isticmaalaan dadka aqoonta leh ama xirfad layda ah gaar ahaan dadka ku guulaystay ganacsiga waxaa uu ku siinayaa aragti dheer iyo in aad degdeg u gaarto guul.

Guushu waxaa ay la jirtaa kuwa sida qotada dheer uga fikiraaya in ay guulaystaan had iyo jeerna u halgama. Majirto cid kusoo dhalatay ayadoo qani ah ama taajir ah. Laakiin waxay wax ku heleen dadaal iyo shaqo badan. Waa in aynu baranaa sida aynu ku gaari karno hogaamiye shirkadd ganacsi, waa in aynu baranaa luqaddii aynu ku hadli lahayn marka aynu dhexjoogno ganacsigeena (corporate language).

Marka aynu rabo in aynu ganacsi samayno waa in aynu maskaxda ku haynaa in ay hawli inaga horayso waxaan shaki ku jirin in ay qalado soo bixi doonaan si lama filaan ah. Maareeyayasha ganacsiguna aad ayay uga baqaan badanaa marka layiraa cilad ayaa soo baxday. Laakiin guuldarada ama qaladaadku waa qayb ka mid ah nolosha bani’aadamka waana wax aad marwalba lakulmi doonto horayso ama dambaysaba. Waxaan shaki ku jirin in cunuga yari wuxuu kaacaa kufaba uu aakhirka istaagayo kufitaankuna waa uun barashada kicitaanka iyo socodka

Hadaba sidee ayaad cagta usaari lahayd dariiqa guusha ganacsi ama shirkadd?. Si su’aashaa aan uga jawaabno waxaan u baahan nahay in aanu aan wax ka soo qaadano waraysiyo la la yeeshay dadkii inooga horeeyay dariiqaa ee ku guulaystay in ganacsigoodu uu hore u maro.

Neils Bohr: khabiir waxaa layiraahdaa qofka sameeya qalad ee wax ka barta.

Rober Allen: majirto wax guuldaro layiraa waa uun natiijo ama jawaab kuu soo baxday wixii aad tijaabisay.

Sergey Brin: sergey waa ninka aasaasay GOOGLE. Waxaana uu yiri dadku waxaa ay had iyo jeeraale isku dayaan waxyaalo cusub. iminka, dadka guulaystaa waa keliya dadka khibrada ama garaadka sare leh.

Terry Leahy: waa CEO hore ee dukaanka weyn ee Tesco wuxuu retire noqonayaa sannadkan, wuxuu shaqada ksoo bilaabay nadiifiye (cleaner) isla dukaanka Tesco. Waxa uu rabay in uu Tesco shaqo kale u qabto laakiin waa la diiday. Waxa uu daba taagnaadaba kolba heer soo maraba waxuu noqday CEO Tesco. Mushahaaradiisu waxay ahayd 1.3 million pound sannadkii.

Michael Dell: waa ninka aasaasay shirkadda ugu weyn adduunka dhinaca computers ee loo yaqaan DELL.  Dell waxaa uu yiri ha ka cabsan in aad fashilanto. Shaqada halkaa kasii wad, tijaabi ka faaidayso waxna ka baro wixii aad ku fashilantay. Sida aad ugu celcelinayso waxaad la kulmaysaa meelo jaanis leh, laakiin haka cabsanin in aad guuldaraysato waayo waxa baad ka baranaysaa.

A.T.Martin: dariiqa ugu dhakhsaha badan ee aad ku dhisi karto ganacsi guulaystaa waa adoo hore ka guuldaraysta ama fashilma.

Steve Case: steve Case waa CEO shirkadda weyn ee AOL. Waana nin caan ku ah dhinaca maamulka waxaa uu yiri: waa ay yaryihiin run ahaantii dadka diyaarka u ah in ay khatar qaadi karaa (risk takers) waxaan shaki ku jirin in ay dadyari uun adduunka saamayn ku yeelanayaan.

Mohamed alfayed: arinta ugu muhiimsani waa nicmada ALLAAH haddii aad ALLAH rumaysan tahay nafdaadana rumaysan tahay majirto wax laga warwaraa.

Henry ford: maanta dadka badankiisu waa ay yaqaanaan shirkadda Ford ee baabuurta samaysa, run ahaantii bilogii ganacsigiisa waxaa uu guuldaraystay dhawr jeer inta aanuu aasaasin shirkadda weyn ee baabuurta ee Ford. Waxaa kala oo laga hayaa Henry Ford oraahda ah fashilku waa meel lagu nasto, waana jaaniska aad markale si xikmad leh wax uga bilaabi kartid.

Bernard Arnault: waxan jecelahay in aan dadka u sheego in dhamaan badeecadayada iyo ganacsigayaguba waxaa ay martaa saddex waxyaalood oo ah, aragti (vision), sabir, iyo fulin (execution).

Philip green: waa ninka 9 aad ee ugu dhaqaalaha badan UK. Waa ninka iska leh Arcadia Group. Afar ganacsi ayuu ku guuldaraystay ka hor intii aanu noqon millionare. Hadda waa billionaire.

Bob Brown: waa siyaasi u dhashay australia, waxaana uu yiri ninkasta oo guulaystay waxaa soo maray sannado badan oo guuldaro ah.

Bill Gates: waa ninka iska leh Microsoft oo ah shirkadda ugu weyn caalamka ee dhinaca Software. Waxa uu yiri haddii aad rabto in aad guulweyn gaarto waa in aad guuldaro weyn qaadaa (big risks).

H. Stanley: waqtiga ha iskaga lumin in aad daboosho guuldarada kusoo gaarta (failure). Casharo ka baro guuldarada ha kuu noqoto casaharka ugu fiican ee aanad cidna ka hesheen kedibna ugudub talaabada labaad. Dhib mala in la guuldaraystaa mar iyo laba iyo saddexgoorba. Haddii aanad guuldaraysanayn kor uma socotid guushuna kuuma dhawa.

M. Kay: marka aad la kulanto xanibaad ama caqab isku day in aad waddo kale uga wareegto, waxaad haysataa ikhtiyaar aad wax ku doorato waxaa suurto gal ah in aad ka guulaysato xanibaadaa oo aad noqoto guulayste (winner) iyo in aanad waxba isku dayin oo aad noqoto mid guuldaraysta (loser). Waxaa fiican in aad ku nasato dariiqa guusha intii aad la fadhiyi lahayd guuldaro.

Robert kiyosoki: kuwa fashilmaa waa kuwa isdhiiba marka ay guuldaraystaan. Kuwa guulaystaa isma dhiibaan ilaa ay ka guulaysanayaan.

Warren buffet: warren waa raga adduunka ugu dhaqaalaha badan waxaana uu yiri: khatartu waxaa ay ka timaadaa aqoon la’aan ka timi waxa aad samaynayso oo aanad aqoon.

Alan Bond: waa aasasaha shirkadda Bond Corporation waxaana uu yiri had iyo jeeraale waxaan u shaqeeyaa si adag oo aad u adag, markasta oo aan xoog u shaqeeyo waxaan usii dhawaada guusha. Waxaa kale oo uu yiri qofkasta oo ganacsi sameeyaa waa uu qaldamaa.

Rich Dad: guushu waa macalin yar, waxaynu wax badan baranaa marka aynu guuldaraysano, markaa haka cabsan guuldarada (failing). Guuldaradu waa hababka dariiqa guusha. Mana guulaysan kartid hadaanad guuldaraba arag.

Terry Paulson: kuwa guulaystaa (winners) waxa ay guuldarystaan in kabadan kuwa guuldaratysa. Waa ay guulaystaan hadan guuldaraystaan waana ay wadaan ilaa guushu si buuxda u timaado.

Fredrick. W: majiro qof horumar weyn gaaraa amaba wanaag ilaa uu soo maro amaba uu soo sameeyo qaladaad waaweyn.

Michael Jordan: waan aqbali karaa guuldarada, qowaliba wax uun buu ku guuldaraystaa laakiin ma aqbali karo in aanan isku dayin marlabaad wixii aan ku guul daraystay ilaa inta aan ka guulaysanaayo.

I. Kamprad: kuwa hurdaya keliya ayaan qaladaad samayn. Tusaale ahaan haddiiba qofku aanu waxba isku dayin mayeelanaayo qaladaad amaba ceeb waayo waaba qof iska fadhiya.

A. Carnegie: dadka guulaystaa badanaa waa dadka hal layn (one line) qabsada ee kumintida kuna adkaytsa laynkaa ilaa ay ka guulaysanayaan.

Bill Gates: rumayso wararka dacaayadaha ee lagaa sheegaayo waayo waxaad ogaanaysaa meelaha u baahan in aad horumar ka samayso.

L.Ellison: markaad fikrad fiican oo ganacsi abuurto ama aad keento waa in aad u diyaar garowdaa in wax lagaa sheego oo lagu yiraa waxaa tahay wax waalan. Badanaa qofka kor usocda wax baa laga sheegaa ama waa la cambaareeyaa.

Adduunkan aan joogno waxwaliba waa tijaabo, tijaabana waa in aad guulaysato iyo in aanad guulaysan. Guusha saxda ahina waa adoo meel ku fashilma laakiin ka faaidaysta oo aan is dhiibin. U fiirso shay wal oo la soo saarayo shaybaar ayaa la geliyaa intaas oo goor ayaa lagu celceliyaa gebogebadana waa lagu guulaystaa.

Lasoco casharka kan xiga wiigwalba haddii ALLAH yiraa

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

             

                                                                              

webmaster@ceegaag.com