shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA

(London, February 12,  2011 Ceegaag Online)

Waa qaybtii 6aad ee barnaamijkii aynu ugu magac daray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara, waxaa aynu qaybtii 5aad ku muujinay tusaale kooban oo ku saabsan sida loo sameeyo qorshaynta ganacsiga (business plan).

Qaybtan 6aad waxaa aynu heshiis ukala qoraynaa haniilayaasha shirkadda aynu soo samaynay ee Afro Electronics Center (AEC).

Fadlan qofkii aan la socon casharaddii hore si ay ugu fududaato dib ugu noqo casharraddii hore. Casharkan wixii ka dambeeya waxaan isku dayaynaa in casharraddu koobnaadaan si aan looga caajisin akhrinta.

Heshiiska Shirkadda (Partnership Agreement).

 

Magaca shirkadda:                                                             Afro Electronics Center (AEC)

Taariikhda la aasaasay:                                                        5/1/2010

Xafiiska Shirkadda (Head Quarter):                                  London, UK

1. Shaqada shirkaddani waa:

Soo dejinta dhamaan qalabka electronics sida (Tvs, Radio, Fridges, Watches, Camers, Ac etc)

Waqtiga heshiiskan:

Heshiiskani waxaa uu ka bilaamayaa 5/1/2011 waxaana uu dhamanaayaa 4/1/2016 

2. Heshiiska Hantiilayaasha (Agreement of shareholders):

Hantiilayaashu Waxay ku heshiiyeen arrimahan hoos ku qoran, wixii la isku khilaafo waxaa loola noqonayaa sharciyada u yaala shirkadda, wixii intaas ka baxsana waxaa loo la laabanayaa shareecada islaamka.

3. shirkaddan waxaa mulkigeeda wada leh (ownership) shanta mulkiile ee kala ah:

1        …….......  ………..   …………         

2        ………...   ……….   ………….

3        …………   ………   ………….

4        …………   ………   ………….

5        …………   ………   ………….                                                                    

 

 

4. Maalgalinta shirkadda (company investment)

 

Shirkadani waxay ka kooban tahay 1000 saami ama shares, saamiguna waxaa uu ku fadhiyaa qiimo dhan $1000 ( USD), saamiga ugu yar ee hantiile yeelan karaa waa 10 saami (shares). Hantiilayaashu waxa ay hadda isu keeneen lacag gaadhaysa 600,000 (oo ah doolarka maraykanka).

 

Hantiilayaasha oo ah kuwan hoos ku xusan, waxay u kala leeyihiin saamiyada sidan soo socota.

 

……….   ……..   ………                   100      saami (shares)

……….  ……..   ……….                   300      saami (shares)

………   ……..   ………                    100      saami (shares)

………   ……..   ………                    100      saami (shares)

……..   ………  ……….                    100      saami (shares)

300 saami (shares) ee soo hartay waxaa iska leh saamiley kale (silent partner)

                                               

 Golaha shirkadda:

Shirkaddani waxaa ay leedahay 2 gole oo la yidhaa golaha sare ee shirkadda (board of directors) iyo golaha hantiilayaasha (shareholder council) waxa kale oo jira koox kale oo ah maamulka shirkadda (management team), mid walbana shaqadiisa iyo masuuliyaddiisa hoos ayuu ku qeexan yahay.

 

5.      Shaqada golaha sare ee shirkadda (board of directors);

 

a)      Waa golaha u sareeya ee shirkadda (highest governing authority).

b)      Waxaa ay yeelanayaan kulan 3dii biloodba hal mar, waxaana kooramka (quorum) saxda ahi qabsoomayaa marka ay joogaan ugu yaraan 3 ka mid ah boardka.

c)      Golaha sare ee boardka waxay ku imaanayaan doorashada hantiilayaasha oo keliya (shareholders).

d)     Waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan dibna u eegaan miisaaniyada sannadka (annual budget), iyo mashaariicda cusub ee la fulinaayo.

e)      Waxa ay si xoog ah ku meel marin karaan wixii nidaam ah ee shirkadda dani ugu jirto

f)       Golaha sare ee (board) waa golaha la xisaabtamaya maamulka (managers) shirkadda, isla markaana waxay u u madax bannaan yihiin in ay marwalba weydiin karaan maamulka (managers) wixii ay uga baahdaan.

g)      Waxay xooga saraayaan kobcinta dhaqaale iyo nidaaminta shirkadda (plan of action).

h)      Waxa ay shaqada ka joojin karaan maamulka shirkadda haddii ay baahi timaado (suspension).

i)        Wax ay maamulka ka caawiyaan sidii loo gaari lahaa waxa ay shirkaddu higsanayso (objectives).

j)        Waxa ay u ban dhigi karaan shirkadda dadweynaha haddii loo baahdo maal-gelin dheeri ah.

k)      Waxa ay ku dadaalayaan isku duba ridka maamulka shirkadda iyo kala xadaynta shaqada (delegation).

l)        Soo xulista iyo  magcaabista maamulka shirkadda (managers), Xisaabiyayaasha (accountants). Khasnajiga (cashier).

m)    Haddii shirkaddu socon weydo waxay go’aan ku gaarikaraan in ay keenaan nidaamkii looga bixi lahaa (exit strategy)

n)      Waxay si habsi ah isugu dayayaan wax ka badalka hab socodka shirkadda iyo qiimeynta nidaamka ay u socoto shirkadda.

 

6.      Waxaa ka reeban golaha sare (board of directors):

a)      In magaca shirkada aanay si gaara uga faa’iidaysan taas oo macnaheedu yahay in aanuu dayn ku qaadan karin magaca shirkadda, amaba cid ku damiinan karin.

b)      In aanay golaha sare shaqada ku soo fara gelinin maamulka loo xil saaray shaqada iyadoo baahi weyni aanay iman.

c)      Waa in aan qof ka mid ah golaha sare keligii saxeexi karin lacag deyn lagu bixinaayo ama lagu qaadanaayo, haddii baahi timaado wa in uu ogaysiiyaa dadka kale ee ku jira boardka.

d)     Waxaa ka reeban golaha sare iibinta hantida Shirkada ama ku soo darista hanti kale iyadoo aanay ansaxin golaha boardka oo dhami.

e)      Golaha sare (board of directors) waxaa lagaga saari karaa shirkadda isaga oo lagu soo eedeeyo fal wax u dhimaaya hanaan socodka shirkadda sida xatooyo  iyo isagoo ka hor yimaada danaha shirkadda ama wax ku darsada cid ku lidiya danaha shirkadda. Waxaana laga saari karaa marka uu qabsoomo kulan ay hantiilayaashu u dhan yihiin ama ugu yaraan ay joogaan 3 ka mid ah hantiilayaashu.

 

7.      Golaha hantiilaysaha (council of shareholders):

Marka laga yimaado golaha sare ee shirkadda (board of directors) waxaa kale oo jira gole kale oo la yidhaa golaha hantiilayaasha (council of shareholders).

8.      Waajibaadka hantiilayaasha:

 

a)      Hantiilayaashu (shareholders) waa maal-geliyayaasha shirkadda (investors).

b)      Hantiilayaashu waxay xaq u leeyihiin in ay weydiin karaan golaha sare (board of directors)  su’aalo kasta oo  ku saabsan wixii cabasho ah, mustaqabalka shirkadda iyo wixii la xiriira maaliyadda shirkadda gaar ahaan haddii loo baahdo in shrikadda lagu sameeyo baadhitaan xaga xisaabaadka ah (auditing).

c)      Waxay xaq u leeyihiin in ay si buuxda u ogaadaan shaqo kasta oo ay samaynayaan golaha sare.

d)     Waxa ay golaha sare ku khasbi karaan in ay hufnaan muujiyaan sida ay shaqadoodu tahayna ay u gutaan

e)      Hantiilayaasha ayaa soo dooranaaya golaha sare ee shirkadda (board of directors).

f)       Waxa ay yeelanayaan kulan sannadeed, waxay wax ku dari karaan heshiiska guud ee shirkadda isla markaa waxa ay wax ka bedeli karaan nidaamka shirkaddu u socoto waxaana ay dooran karaan maamul cusub.

g)      Hantiilayaasha shirkaddu malaha wax mushahaaro ah (salary), haddii se hantiile loo doorto in uu shirkaddii ka shaqeeyo oo uu qaato mushahaaro isla markaana uu hanti ku leeyahay shirkadda waa in loo ban dhigaa shareecada islaamka waxa ay ka qabto. (qodobkan su’aalo ayaa ka taagan, fadlan hala weydiiyo culimada inta aan la ansixinin mushahaarada hantiilaha).

h)      In ay usoo gudbiyaan maamulka shirkadda wixii talo ah ee ay u arkaan in ay shirkadda kobcinayso.

i)        Waxa ay golaha hantiilayaashu qaban karaan kulan aan caadi ahayn haddii loo baahdo.

 

9.      Waxa ka mamnuuc ah hantiilayaasha arrimahan:

a)      In aanu hantiile faafin sirta Shirkada oo mudan in la adkeeyo.

b)      In ay ka reebantahay hantiilayaasha in ay daamaanad ama rahmaad u dhigaan hantida shirkadda.

c)      Hantiile waxaa laga saari karaa shirkadda isagoo ka horyimaada danaha ama sharciyadda shirkadda u yaala.

d)     In aan hantiile kala bixin hantidiisa haddiiba uu arko wax ka faaido badan shirkaddan ilaa laga gaarayo waqtiga loo cayimay in uu kala bixi karo.

e)      In hantiile aanu ka iibin karin saamigiisa cid kale isagoon u soo bandhigin mulkiilayaasha iyo hantiilayaasha kale.

f)       Hantiile ma codsan karo in uu hantidiisa kala baxo in ka yar 12 bilood ka dib marka uu saxeexo heshiiskan. Hantiile waa kala bixi karaa hantidiisa wixii ka danbeeya 12 bilood waa se inuu bixiyaa notice dhan 3 bilood (haddiise ay duruuf adagi timaado oo ku khasbaysa hantiile in uu kala baxo hantidiisa muddo ka yar 12 bilood waxaa go’aan ka gaadhaya golaha sare ee shirkadda, waxaaa ay xaq u leeyihiim maamulka sare in ay diidaan haddii ay ku qanci wayaan sababta hantiiluhu ugala baxaayo hantidiisa.

g)      Haddii hantiile uu cabasho qabo waxaa ka reeban in aanu u bandhigi Karin cid ka baxsan golaha maamulka shirkadda. Marka hore waxaa uu u ban dhigayaa maamulka shirkadda, haddii ay wax ka qaban waayaan waxaa u banaan in uu u gudbiyo golaha sare ee shirkadda (board of directors).

 

10.  Kulanka hantiilayaasha (Meetings of shareholders):

hantiilayaashu sannadkii hal mar ayay kulmayaan ugu yaraana waa in ay saddex hantiile joogaan. Baahi degdegi haddii ay timaado waa la qaban karaa kulan aan caadi ahayn

11.  Wax ka badal ama ku daris heshiiskan (Rectification):

Hantiilayaashu heshiiskan waxay wax ku dari karaan, kana reebi karaan marka uu qabsoomo kulan hantiilayaashu u dhan yihiin.

12.  Xisaabaadka (accountancy):

Hab xisaabeedku waa in loo sameeyaa nidaam cad oo la fahmi karo loona sameeyaa tixraac haddiiba loo baahdo lehna laba nuqul (2 copies), waana in wax waliba ku baxaan kuna soo galaan risiitka (receipts) shirkadda. 

13.  Buugaagta iyo faylasha ( Books & Files ):

Waa in dhamaan Buugaagta shirkadda iyo faylasha xisaabaha la dhigo xafiiska shirkadda ay leedahay, si fiicana loo kaydiyaa. waxa uu hantiile xaq u leeyahay in uu arki karo buugaagta xisaabta hadii uu u baahdo.

14.  Qaabka qaybsiga Faa’iidada iyo Khasaaraha:

Faa’iidada iyo Khasaaraha shirkaddu (profit and loss) waa sida hantiile waliba u maalgashaday oo ku salaysan saamiga uu ku leeyahay maalgalinta. Waxanna faa’iidada la qaybsanayaa l2 bilood (I year) kedib marka la xidho xisaab xidhka, loona reebo Shirkada raasamaal ah 20% faa’iidada soo baxday. Ma jirto sii qaadasho hormarin ama dayn (advance and credit) oo hantiilaha loo ogol yahay inta ka horaysa xisaab xir sannadeedka, qodobkan waxaa dib loo eegi karaa sannad kedib.

15.  Keydinta iyo maamulka maaliyadda ( Deposition and management of Funds):

dhamaan lacagta shirkadda ee  naqadka ah (Cash) ka ah waxa la dhigayaa koontada (Account) ka shirkaddu leedahay Baanka Shirkada. Waxaana maamulka Xisaabta loo xilsaarey oo waxna ku shubi kara waxna ka saari kara cidda ay shirkaddu u xil saartay.

16.  Xisaab Xidhka:

Waa in la diyaariyaa lana sameeyaa Xisaab Xidh Bileed iyo xisaab xir sannadeed, si loo ogaado hab socodka shirkadda, isla markaana la siiya oo loo gudbiyaa xisaab xirka iyo inta alaabta taalaba (stock) Hantiilayaasha. Waxaana xisaab xirka la samaynayaa bisha december ee sannad walba.

 

17.  Maamulka Shirkada: 

Maamulka shirkadda waxaa soo dooranaaya golaha sare ee shirkadda (board of directors), golaha sare waxay dooran karaan maamul, maamulkuna wuxuu noqon karaa mid laga soo dhex doorto hantiilayaasha ama dibada ka yimaada. Muddada Maamulku  hayn karaa xilka waa Hal sano( 1 year ) waana loo kordhin karaa  haddii baahi timaado.

 

18.  Waxa looga baahan yahay maamulka shirkadda:

a)      Xidhiidhinta shirkada iyo Hantiilayaasha.

b)      Haddii maamulka mid ka mid ahi rabo in uu ka tago shaqada waa in uu bixiyaa ogaysiis qoraal ah ugu yaraan 2 bilood ka hor inta aanuu shaqada ka tagin.

c)      Maamulka shirkaddu waa in ay noqdaan dad daacad ah oo is aaminsan.

d)     Maamulka shirkaddu waa in ay wargeliyaan hantiilayaasha maalinta la samaynaayo diiwaan gelinta shirkadda (company regestration), waana in ay ku dhawaaqaan maalinta la qabanaayo furitaanka xafladda shirkadda.

e)      Mid ka mid ah maamulka shirkaddu waa in aanu keligii marnaba soo daysan ama aanu deymin, aqabalin, gelin heshiis shirkadded iyadoo aan la ogaysiin maamulka kale ee shirkadda.

f)       Maamulku  waa masuulka shaqa maalmeedka caadiga ah (Daily functions).

g)      Dabagalka dhamaan hawlaha wax soo saar, nidaaminta hanaanka shaqada iyo shaqaalaha (haddii shaqaale loo baahdo)

h)      Dejinta iyo nidaaminta barnaamijka dayactirka shirkada, iyo hantida shirkadda (Gaadiidka haddii uu jiro).

i)        Dabagalka iyo Hubinta Xisaabaadka dhamaantood, in ay mareen dariiqii saxda ahaa oo (Transparent) ah.

j)        Siinta iyo diyaarinta Xisaab xidhadda bisha iyo stocks, iyadoo la raacinayo warbixin joogta ah oo ah shaqadda hadba wixii ku soo kordha.

k)      Maareynta iyo dabagalka qaybinta badeecada.

l)        Waxaa maamulka looga baahan yahay in ay ka jaahil tiraan hantiile wixii uu mugdi kaga jiro dhinaca xisaabta, ayagoo raacaya shuruucda ama hab xisaabaadka shirkadda u dejisan.

 

19.  Dhex-dhexaadinta is afgran waaga (mediation and arbitration):

Haddii is afgran waa ku yimaado maamulka shirkadda waxay marka hore u bannaan in ay xaliyaan maamulka gudihiisa, haddii ay ka fursan waydo waxaa  loo gudbinyaa golaha sare ee shirkadda( board of directors), haddii ay xalin waayaan waxaa loo gudbinayaa dhexdhexaadiye dhex ah oo labada dhinacba ku kal soon yihiin. (common arbitration).

20.  Mushahaarka shaqaalaha hoose:

Dhamaan shaqaalaha shirkadda sida xoghaynta (secretary), qolada amniga (security), nadiifiyayaasha (cleaners), xisaabiyayaasha (accountants), khasnajiga (cashier), dadka wax iibinaaya (sales persons) iyo dhamaan shaqaalaha kale ee shirkaddu waxaa ay yeelanayaan mushahaaro go’an.

 

Saxeexa  hantiilaha

 

Anigoo  ah …….  ……….   ……., waxaan akhristay heshiiskan si wacana waan u fahmay.

 

Waxaa kale oo halkan aan ka markhaahti ka cayaa kana cadaynayaa Allaahna igu ogyahay in aan diyaar u ahay wixii khasaare iyo faa’iido ku yimaada shirkadda in aan qaato qayb u dhiganta saamiga aan ku leeyahay shirkadda, isla markaana aanan ku ceebayn kuna canaanan wixii qadar ah (predestination) maamulka shirkadda iyo cid kala toona.

Saxeexa  hantiilaha. --------------------------------------------------

 

Taariikhda               --------------------------------------------------

 

Mustafe Ibraahim mustaf1970@hotmail.co.uk

Uk.


webmaster@ceegaag.com