shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA

(London, February 04,  2011 Ceegaag Online)

WAA BARNAAMIJKII AYNU UGU MAGAC DARAY SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSAN KARA (QAYBTII 5AAD)

 

Waa qaybtii 5aad ee barnaamijkii ganacsiga ee aynu ugu magac daray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara.

 

Fadlan si aad u fahamto casharkan ku noqo kuwii hore, casharkani waa tusaale kooban oo aanu ku muujinayno wixii aynu hore usoo sheegnay, asaga oo qayb kale ahna waxaa aynu ku qaadan doonaa casharrada dambe.

 

Kelmadaha ama weeraha ku jira halkan casharro gaar ah ayaynu ku sharrixi doonaa insha ALLAAH.

Waxaa halkan aynu ku samaynay shirkadd la yiraa Afro Electronic Center. Waxaan isku dayaynaa in aanu faahfaahin kooban ka bixino sida uu u ekaanayo qorshaha ganacsi ee shirkaddani (business plan). Waa aan soo koobay laakiin isaga oo aad u balaaran casharro kale ayaan ku keeni doonaa asaga oo faahfaahsan.

Casharka kan ku xigaa waa in aynu heshiis u kala qoro hantiilayaasha (partnership agreement).

 shirkaddan Afro Electronic Center.

Codsi: haddii aad casharradan wax ka faaiidaysateen ila soo socod siiya emailkaygu waa mustaf1970@hotmail.co.uk

Lasoco qaybta 6 aad

 

                                                        
AFRO ELECTRONIC CENTER (AEC)

 

 

 

 

 

Shaqada shirkadda oo kooban (Executive summary)……………….. 3.1

Sifadda shirkadda (Compnay descriptions)………………………….3.2

Himilooyinka shirkadda (Objectives) ……………………………………3.3

Ujeedooyinka shirkadda (Mission) ……………………………..3.4

Dariiqyada guusha (Keys to success) ………………………..4.1

Muuqaalka (Vision) ……………………4.2

Xeelada suuq-gaynta (Marketing strategy) …………………….5.1

Xajmiga suuqa (Market size) ………………………….5.2

Loollanka (competition) …………………..5.3

Xeelada iibka (Sales strategy) ……………………………6.1

Saadaasha iibka (Sales forecast) …………………………………….6.2

Xeelada sixir goynta (pricing strategy) ……………………….6.3

Qorshaha maaliyadeed (financial plan) ……………………..6.1

Qorshaha lagu shaqaynaayo (operational plan) …………………………6.2

Saad-keene (supplier) ………………………………..7.3

Kharashaadka (Expenses) ………………………….7.4

Nidaamka deynta (credit policy) ………………………………..8.1

Maamulka iyo maaraynta shirkadda (management and organisation) …………..8.2

Maalgeliyayaasha (investors) …………………………………9.1

Qaybta baarista iyo horumarinta (research and development)……………9.2

Meelaha aan ku adkaan karo, jaaniska leh, unugul nahay, khatari ka imaan karto..9.3

Xeelada looga baxaayo haddii shirkaddu socon weydo (Exit strategy) ……10.1

3.1. Executive summary (shaqada shirkadda oo kooban):

Afro electronic center waa shirkadd cusub oo iskaashato (partnership) ah lagana aasaasay Africa, shaqadeeduna tahay in ay ka ganacsato qalabka electronics.  Shirkaddan waxaa iska leh mulkigeeda 4 mulkiile ee kala ah …..   …..   …….     …….., waxaana ay ka kooban tahay 1000 saami (shares). Shirkaddan AEC waxa kale oo ay soo dejin doontaa dhamaan agabka kale ee dheeriga ah laguna badalo haddiiba wax ka xumaadaan qalabka shirkaddu ay gadayso (spare parts). AEC waxaa ay rajaynaysaa in ay faaiido degdega ka heli doonto suuqyada ay galayso.

3.2. Sifadda shirkadda (Compnay descriptions)

AEC waxaa ay gadi doontaa dhamaan badeecada electronics ee ay leedaha shirkadda caalamaiga ah ee LG. waxaana badeecadaa ka mid ah: AC, Camers, Photocopiers, Telefoonada, TVs, kitchen aplliances, LCD Monitors, Cell phones, LCD TV and so on.

Goobta ay ku taalo shirkaddani waa goob leh dhamaan wixi daruuriyaad ah ee loo baahnaa, waxaana ay saaran tahay waddada weyn ee faras magaalaha (main street).

AEC waxaa ay haystaan khibrad fiican oo ku saabsan qalabka electronics. Waxaana laga rajaynayaa in AEC ay si dhakhso ah ugu guulaysato suuqyada electronics.

3.3. Himilooyinka shirkadda (company objectives):

·         AEC waxaa u qorshaysan in ay hesho faaiido fiican sannadka u horeeyaba.

·         In ay noqoto hogaamiyahay qalabka electronics ee wadankan ABC.

·         AEC waxaa ka go’an in ay samayso adeeg hufan si ay u gaadho himilooyinkeeda.

·         AEC waxay kobcinaysaa iibkeeda 90% dhamaadka sannadka labaad.

·         AEC waxaa ay qoran doontaa 15 shaqaale ah sannadkan gudihiisa

·         Maalgelinta (investment) la geliyay wuxuu kasoo bixi doonaa 2 sanno kedib

·         AEC waxaa ay ku dadaali doontaa in ay yeelato sumcad bulshada dhexdeeda ah (reputation)

·         AEC waxaa ay si buuxda uga qayb qaadanysaa in ay wax ka qabato baahida adeega dadweynaha

3.4. Ujeedooyinka shirkadda (Mission)

Ujeedada AEC waa in ay iibiso dhamaan badeecadaha ay gado shirkadda weyn ee LG. taas oo shirkaddani iibisa badeecad ama alaab aad u tayo fiican qiimaheeduna macquul yahay. Waana shirkadd weyn oo caalami ah oo lagu kalsoonaan karo alaabta ay gado isla markaana si fudud loo heli karo wixii qalab ah ee dayac tir loo baahdo marka alaabtani wax ka xumaadaan.

AEC iyadoo kaashanaysa LG waxa ay si fudud u qabsan doontaa maccaamiisha iibsata qalabka electronics. markii ay AEC samaysay xog uruurin buuxda waxaa noo soo baxay warbixino lagu qanci karo oo ku saabsan muhiimadda uu suuqani leeyahay iyo faaiidada ka Soo bixi karta.

AEC waxaa ay rumaysan tahay in ay si buuxda u raali galin doonto macaamiisheeda, la’aantoodna aan waxba u socnahayn shirkaddan AEC.

4.1. Dariiqyada guusha (Keys to success)

·         AEC waxaa ay bixinaysaa adeeg aad u hufan.

·         AEC waxaa ay iibinaysaa badeecad tayo sare leh (high quality products)

·         AEC waxaa ay shaqalaynaysaa shaqaale tayo leh (quality employees)

·         Waxay wakiil buuxda u noqonaysaa shirkadda weyn ee AEC (agent)

·         AEC waxaa ay keeni doontaa badeecado cusub oon hore suuqa u oolin (innovative products).

·         AEC waxaa ay macaamiisha siinaysa damaanad (warranty) muddo sannad ah si kalsooni loogu beero macaamiisha.

4.2. Muuqaalka (Vision):

Aragtida AEC waa in ay siiso macaamiisheeda qalab tayo leh isla markaana waxaa ay maal-gelinaysaa sidii ay uga samayn lahayd laamo badan qaarada afrika, si badeecadda LG ay u noqoto wax laga heli karo dhamaan magaalooyinka wadanka oo dhan. Waxaa ay AEC ay xarun ka dhiganaysaa (headquarter) magaalo madaxda, halkaasoo ay ka fulin doonto wixii maamul ah iyo shaqo ah ee loo baahan yahay. Hoos waxaa ku qoran qorshaha shanta sanno ee soo socota:

YEAR

No. Branches

Year one

2

Year Two

7

Year Three

12

Year Four

17

Year five

22

Sida aanu ku aragno shaxda kore, shirkaddan AEC waxaa ay iridaha u furi doontaa 22 laamood muddo 5 sanno gudahood ah si ay macaamiisha ugu dhawaato goobta ay wax ka gadanayaan.

 

Si loo hubiyo in qorshahan aanu dejinay u noqdo mid taabbo gala, waxaa ay AEC samayn doontaa wakiilo (agents) ka madax banaan shirkadda guud, kuwaas oo alaabta ka soo dalban doona AEC isla markaana heli doona qiime dhimis aad u fiican si ay uga faaiidaan.

5.1. Xeelada suuq-gaynta (Marketing strategy):

Addunyadan aan joogno waxaa sii badanaya baahida loo qabo qalabka casriga ah. AEC waxaa ay samaysay qaaciido (formula) ay ku gaarayso suuqyada ay higsanayso.

AEC waxaa ay u qaybisay suuqyadeeda qaybo (market segments), qaybta koowaad oo ah in ay jumladd (wholesale) ay wax kaga iibiso wakiilada iyo cidii kale ee soo dalbataba isla markaana ay suuq dhimid badan ay samayso, qaybta labaad oo ah tafaariiq (retail) macmiilkasta oo toos u yimaada xarunta weyn si toos ah ayaa looga gadayaa alaabta.

AEC waxaa ay samaysay nidaam suuq gayn hufan (effective marketing plan) ayadoo  diyaarisay goobtii ay ka gali lahayd suuqa balaaran ee ay xog tiisa soo uruurisay. Suuqa aanu galaynaa waa suuq ay shirkaddu si xeel dheer usoo sahmisay. Waxaa ay AEC u balan qaaday macaamiisheeda in ay siinayso damaanad buuxda haddiiba ay ciladi ku timaado alaabta ay iibsadeen muddo sannad ah.

AEC waxaa ay marka hore beegsanaysaa (target market) suuqyadda magaalada caasimadda ah kedibna waxaa ay u gudbaysaa gobolada iyo wadamada kale ee loo arko in baahi ka jirto.

Waxaanu samayndoonaa xayaysiin aad u saraysa, xayaysiintaa oo ka koobnaan doonta noocyo kala duwan. Waxaa jiri doona dhiiri galin (promotion) aanu fariinta ku gaadhsiin doono macaamiisha sida TV, Radio, jaraaidka, majaladaha iyo websites ay macaamiishu si toos ah uga dalban karaan alaabta. Waxaa jiri doona bandhig ganacsi (trade show) oo aanu samayn doono sannadkiiba 2 mar.

5.2. Xajmiga suuqa (Market size):

Xajmiga suuqa aan galaynaa aad ayuu u weyn yahay, magaalo madaxda keliya waxaa ku nool in kabadan 5 million qof. Waxaana aan rajaynaynaa in macaamiisha shirkaddani si caadi ah kor ugu kici doono.

5.3. Loollanka (Competition):

Shirkaddan AEC malaha tartamayaal toos ah, sababtoo ah badeecadda LG waxaa keliya oo waddankan keeni kara wakiilka LG oo ah AEC.

Waxaa jira shirkaddo badan oo ayaguna gada alaab la mid ah taanu hayno, waxaase ugu xoog badan afarta shirkadood ee SomG, KINO, iyo Baruuda. Waxaa ay wakiilo ukala yihiin shirkaddaha waaweyn ee caalamiga ah ee Sharp, Samsung, Sony iyo Butino sida ay isugu xigaan.

Xog uruurinta xaga suuqa ee ay samaysay AEC (market research) waxaa usoo baxay in ay dhamaan ka qiimo jaban tahay shirkaddaha kale, waxaa kale oo AEC ay si fudud u helaysaa qalabka dayac tirka haddiiba  alaab xun lasoo celiyo. Waxaa kale oo badeecadda ay keenayso AEC ay isticmaalayaan dab (electricity) ka yar kuwa ay shirkaddaha kale isticmaalayaan. Waxaana la raacinayaa qalab walba koronto qabte (electric controller).

6.1. Xeelada iibka (Sales strategy):

Ololaha nidaamka iibka waxaa uu ku salaysan yahay in ay AEC ay ku qanciso macaamiisha in ay AEC ay ka mid tahay shirkadda weyn ee LG. isla markaana ay wakiil buuxa u tahay si dadku ugu qancaan iibsashada alaabta. Badanaa marka ay dadku gataan alaab electronic ah muddo kedib cabasho ayaa kutimaada, waxa ay shirkadda AEC ku qancinaysaa macaamiisheeda tayo saraysa iyo qiime macquul ah.

AEC waxaa ay samaysay koox iibiya badeecadda (sales team) kuwaas oo xooga saaraya sidii ay u bad baadin lahaayeen shirkadda cusub waqtiga dhaw iyo ka fogba. Waxaana ay yeelan doonaan faaiido wadaag (commission) iyo gunno (bonus).

Isku duubnida maamulka shirkadda (management team) iyo kooxda badeeco gadayaasha (sales team) waxaa ay AEC samaysay laba kooxood oo kala ah gadayaasha gudaha (inside sales staff) oo shaqadoodu tahay in ay ka jawaabaan wixii telefoono ah isla markaana ay qanciyaan soona dhaweeyaan macaamiisha gudaha timaada iyo kuwa dibada (ouside sales staff) oo shaqadoodu tahay in ay xiriirka debada soo hagaajiyaan, in ay heshiisyadda (deal) soo xiraan iyo in ay qabtaan xaflado dadka loogu tusaayo badeecadda (trade shows).

6.2. Saadaasha iibka (Sales forecast):

Waxay AEC saadaalinaysaa in haddii ALAAH yidhaa ay heli doonto dad badan oo wax ka iibsada maadaama ay alaabtani qiime macquul ah wax lagu iibinaayo, isla markaana ay tahay alaab tayadeedu aanay xumayn. Laakiin xayaysiin badan iyo afka sheegid badan (word of mouth) waxa ay kordhin doonanan iibka aanu filayno.

Waxa ay AEC isku dayaysaa in ay tafaariiq (retail) iyo jumlaba (wholesale) ay wax ku iibiso.

6.3. Xeelada sixir goynta (pricing strategy):

AEC waxaa ay samaynaysaa qiime dhimid ku meel gaar ah (temprory discount pricing) in kastoo ay yaraanayso faaiidadu (profit margin) hadana waxaa ay shirkaddu iibniyasaa badeecad aad u badan. Waxaa kale oo jiri doona qiime dhimid la samayn doono waxtiyada qaarkood (seasonal discount).

Waxaa ay shirkaddani samaynaysaa qorshe ah gado hal bilaash u qaado xabad kale (get one get one free), ama gado labo u qaado hal xabbo bilaash (get two get one free). Haddiia macaamiishu ay lacagta ku bixinayaan naqad (cash) waxaa laga dhimayaa boqolkiiba shan (5%).

Shaxdan kooban ayaa sharraxaysa sixirka iibka ee shirkadda AEC.

TYPE OF PRODUTC

Shirkadda AEC

Shirkadda SUMMO

Shirkadda HILLAAC

Shirkadda DURDUR

AC

$495

$500

$505

$510

TVs

$180

$190

$220

195

FRIDGES

$299

$302

$300

300

LCD

$154.5

$155

155

160

7.1. Qorshaha maaliyadeed (Financial plan):

Shirkaddan AEC waxaa ay u baahan tahay $300,000, waxaana ilaa hadda kootada(account) soo galay ilaa $250,000. Waxaa aan dhawaan rajaynaynaa in ay maal-geliyayaashu (investors) soo dhamays tiri doonaan dhawaan lacagta hadhay. Lacagta la badan keeda waxaa iska leh mr AA BB CCC oo ah aasaasaha shirkadda.

7.2. Qorshaha lagu shaqaynaayo (Operational plan):

AEC waxaa shaqo maalmeedkeedu noqonayaa in shaqada la furo 8:30 am lana xiro 5:30 pm. Waxaa shaqada wadaaya maamulka sare ee shirkadda iyo dhamaan shaqalaha kale.

Goobta shaqadu waxaa ay leedahay meel wixii dayac tir ah lagu sameeyo (maintenance) iyo meel loogu jee gareeyo alaab kasta oo ka baxaysa dukaanka (testing center).

7.3. Saad-keene (Supplier):

AEC waxaa ay wakiil buuxa u tahay badeecadana kasoo iibsanaysaa shirkadda weyn ee caalaamiga ah ee LG. waana shirkadd kalsooni buuxda lagu qabo in aan badeecadoodu kala go’aynin.

7.4. Kharashaadka (Expenses)

Shirkadd kastoo bilow ahiba waxaa ay gashaa kharash khaas ah oo noqonaaya kharashka bilowga ah (startup expenses) iyo kharashka ay shirkaddu ku soconayso (operational expenses).

Kharashaadka shirkaddu ay u baahan tahay waxaa ka mid ah:

·         Kharashka ku baxaaya qurxinta goobta (remodelling of the premises)

·          kharashka kirada (rent)

·         Kharashka ku baxaaya qalabaynta xafiiska (office equipment)

·         waxaa ka mid ah computers, printers, papers, pens, paper clips, staples and so

·         Kharashka cashuuraadka (tariffs)

·         Kharashka ku baxaaya ruqsada shaqada (licence), ka ogolaanshaha shaqada (permits) iyo kharashaad ka soo bixi kara xaga dawlada oo ay ka mid tahay kuwa

·         Kharashka ku baxaaya xayaysiinta (advertising expenses) sida Tv, Radio, fliers, posters and so on.

·         Kharashka lagu keenayo dad xirfad leh (haddiiba loo baahdo)

·         Kharashka ku baxaaya waxyaalaha daruuriyaadka ah sida nalka, biyaha, telefoonka iyo internetka (utilities expenses)

·         Kharashka ku baxaaya safarada (travel expenses), waxaa ka mid ah kharashka loo isticmaalayo taxi service, airfair, meal allowance and etc.

8.1. Nidaamka deynta (credit policy):

Muddada bilowga ah shirkaddu ma bixin doonto wax dayn ah haba yaraato e, laakiin muddo sannad kedib waxaa la furi doonaa nidaam macaamiisha loo siinaayo deynta taas oo wafaqsan shareecada islaamka.

8.2. Maamulka iyo maaraynta shirkadda (management and organisation):

AEC waxaa aasaasay dad khibrad uleh shaqada ay qabanayaan, waxaa ay leedahay laba maamul oo kala ah golaha usareeya shirkadda (board of directors) iyo golaha hawl wadeenada shirkadda (executive board). Waxaana golaha sare soo doortay saamilayda shirkadda (shareholders), golaha fulintana waxaa soo doortay golaha sare (board of directors).

Waxaana agaasime guud ka ah …AAA…..  …BBB……….  …CCC…….. waxaana ku xigeen u ah …DDD…….  …EEE………  …FFF…… waxaa kale oo jira maamulka maaliyada, suuqgeynta iyo maamulka iibka, waxaa kale oo ay AEC yeelanaysaa maamul hoose iyo shaqaale hoose.

Agaasimaha guud waa maa masuulka ugu sareeya shirkadda waxaana shaqadiisa lagu qeexi doonaa xeer hoosaadka shirkadda. Asaga ayaa ku dhawaaqaya maalinta la furaayo shirkadda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

9.1. Maalgeliyayaal (investors):

 

Maalgeliyayaasha shirkaddu waa saami leyda (shareholders), ayaga ayaa maal gashaday, waxaana ay shirkaddani ku bilaabaysaa shaqadeeda lacag gaadhaysa ilaa $300,000.

Faaiidada iyo khasaaraha waxaa loo qaybsanayaa hadba sida loo maal gashaday.

 

Lacagta naqadka ah (cash flow):

AEC waxaa kootada(account) ugu jira lacag gaaraysa ilaa $250, 000, baaqiga ka haray waxaa uu soo xaroonayaa muddada loo qabtay in saamilaydu soo dhamays tiraan maal gelinta laga rabo.

 

9.2. Qaybta baarista iyo horumarinta (research and development):

AEC waxaa ay marwalba ku dadaalaysaa in ay la socoto qalabka casriga ah ee addunka kusoo kordha (new technology), waxaana ay shirkaddani abuurtay qayb loo yaqaan R&D (cilmi baarista iyo horumarinta) shaqadeeduna waxaa ay ku koobnaan doontaa la socoshada hadba wixii cusub ee yimaada iyo sidii shirkaddani ula jaan qaadi lahayd.

9.3. Meelaha shirkaddu ku adkaan karto, ku hoosayn karto, ku guulaysan karto amaba khatari ka imaan karto (Swot analysis):

Meelaha shirkaddu ku xoogan tahay (Strenght)

·         AEC waxaa ay khibrad fiican u leedahay shaqada ay qabanayso

·         Waxay haysaa dhaqaalihii lagu shaqayn lahaa

·         AEC waxaa ka go’an in ay shaqadeeda u gudato sida ugu habboon

·         AEC waxa ay faham san tahay cidda ay wax ka gadayso

·         Sixirka wax iibka oo aad macquul u ah

 

 

 

 

Meelaha shirkaddu u nugushahay (Weakness)

·         Shaqaalaha oo shaqada ku cusub una  baahan tababaro fiican

·         Aqbalaada magaca cusub (brand recognition)

·         Bilowga macaamiisha oo yaraata

 

 

 

 

Fursadaha jira (Opportunities):

v  Suuqa oo aad u balaaran

v  Alaab cusub oo aanu keenayno

v  Fikrado cusub oo aanu soo kordhinayno

v  Macaamiisha wax iibsan karta oo badan

v  Dadweynaha waddanka oo badan

 

 

Khataraha imaan kara (Threats):

Ψ  Amniga oo xumaada

Ψ  Sharci cusub oo dawladdu soo saarto, una baahan in la dhaqan galiyo

Ψ  Loolamayaasha  oo si adag ula tartami kara

Ψ  Baahida suuqa oo is badbadasha

Ψ  Sharciyada dawlada oo is badala

Ψ  Bad xidhan dhaca

10.1. Xeelada looga baxaayo haddii shirkaddu socon weydo (Exit strategy):

Haddiiba ay timaado in AEC ay ku guulaysan weydo ganacsigeeda ayadoo samaysay wax wal oo horumar u keenaya waxaa diyaar u ah in ay war geliso saamilayaasha (shareholders) una sheegto halka ay wax marayaan iyo sababaha keenay, kedib waxaa loo soo ban dhigayaa dadweynaha  (initial publice offering) haddii ay baahi timaado.

Halkudhigeenu (Slogan) waa my first choice is AEC

La soco qaybta 6aad

Mustafe Ibraahim mustaf1970@hotmail.co.uk

Uk.


webmaster@ceegaag.com