shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA

(London, January 28,  2011 Ceegaag Online)

Waa qaybtii 4aad ee barnaamijkii aynugu ugu magac daray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara.

Saddexdii cashar ee aynu hore usoo sheegnay waxa aynu kusoo faahfaahinay waxyaalaha loo baahan yahay in la gu qoro barnaamijka ganacsi ee la abuuraayo. Halkan waxa aynu kusoo koobaynaa su’aalaha nooga soo baxay casharradaa, kedib markaan ka jawaabno su’aalahan ayay nu shax ku muujin doonaa qorshaha ganacsi (business plan) ee loo baahan yahay.

Su’aalahani waxaa ay kaa caawinayaan in aad si fudud u samayso qorshe ganacsi oo sax ah. Halkan waxaa aynu kusoo koobaynaa 25 su’aalood oo muhiim ah laakiin waa ay ka badan karaan, waxa ay ku xidhan tahay kolba nooca ganacsi ee la samaynaayo.

Fadlan jawaabaha inooga soo baxa halkan ayaynu kedib ku dhisi doonaa qorshe ganacsi (business plan) casharka casharkan ku xiga.

  • 1.      Maxay tahay ujeedooyinka aad u abuurayso ganacsi cusub (Objectives)?.

  • 2.      Sharraxaad ka bixi nooca ganacsi ee aad rabto in aad bilowdo, tusaale ahaan ma ganacsi cuntaa (food industry), computer industry (kombuyuutar miyaa), xawilaad miyaa (remittance), dhisme miyaa (real estate) etc. waa in ay kuu cadahay qaybta ganacsi ee aad samaynayso waxa uu yahay.

  • 3.      Sixirka ama qiimaha aad wax ku gadi rabtaa ma yahay mid macquul ah marka la barbar dhigo shirkaddaha kale (reasonable price)

  • 4.      Sideed u dooranaysaa dadka kula wadaagaya ganacsigan (business partner) mise keligaa ayaa isku filan? Meeqase qof ayaad wada yeelan kartaan ganacsigan? Maxaad se shuruud ah oo aad ku xidhaysaa dadka kula wadaagaya ganacsigan? 

  • 5.      Muxuu ganacsigan cusubi gaar ku yahay oo aad shirkaddaha kale kaga duwan tahay? 

  • 6.      Ma haysataa ciddii kuu keeni lahayd badeecadda ama adeega (supplier), Ma leedahay in kabadan hal supplier haddad u baahato mararka qaarkood (backup supplier)?. 

  • 7.      Meeqa shaqaale ah ayaad u baahan tahay? Xagee ayaad ka helaysaa haddii aad u baahato shaqaale xirfad leh? Ma heshay ciddii madax ka noqon lahayd shirkaddan?.

  • 8.      Wadanka aad rabto in aad ka bilowdo ganacsigan sharciga dawladdu ma ogol yahay in aad nooca ganacsigan ka samayso (authority regulations)?

  • 9.      Ma hubisay magaca aad qaadan rabtaa in hore shirkadd kale u qaadatay iyo in kale (ka hubi shirkaddaha domainka)?

  • 10.  Sheeg shirkaddaha kula tartami kara ama kula loollami kara (competitors)?, imisa shirkaddood oo aad isku wax iibinaysaan ayaa goobta aad ka samayn doonto ka ag dhaw?, shirkadahaasi miyay haqab tireen baahidii macaamiisha? Adeegoodu sidee yahay? 

  • 11.  Sidee u qiimayn kartaa una saadaalin kartaa mustaqbalka hadda, ka dhaw iyo ka fog sida uu noqon karo ganacsigaagu ama shirkadaddu? (evaluate and predict both the present, future and long-term of your company)?

  • 12.  Ma qiimaysay xaalada dhaqaale ee dadka, iyo awoodooda wax gadasho (economic status and their purchasing power).

  • 13.  Sidee tahay saadaasha iibka aad filayso (sales forecast), waa maxayse xeeladda aad rabto in aad wax ku iibiso (sales strategy)?

  • 14.  Ma heshay meeshii ama goobtii aad ka samayn lahayd ganacsigan ama shirkaddan (location), isla markaa malaga helayaa dhamaan wax yaalihii daruuriyaadka ahaa, sida biyaha iyo nalka (utilities).

  •  

  • 15.  Ma haysaa sawirka saxda ah ee sida aad u samayn karto lacag? Ma u malaynaysaa in aad faaiido badan isu gaysatay oo aad kharashkana yaraysay (over estimated the revenue and under estimated the expenses)? Ogow taasi waa dhib

  • 16.  Amnigu sidee yahay? (security) Ma hooseeyaa? Ma dhexdhexaad baa? Mise waa la isku halayn karaa?

  • 17.  Sharrax daraasadda xog-suuq uruurin ee aad soo samaysay (market research)? Isla markaa waa maxay nidaamka suuq-geyn ee aad ku talo gashay (marketing strategy).

  • 18.  Yay noqonayaan macaamiishaadu (customers)? Ma cid gaar ah ayaad isha ku haysaa in aad wax ka iibiso (niche target)

  •  

  • 19.  Sharrax kooban ka bixi xajmiga suuqa aad galayso (market size). Qayb intee leeg ayaad se suuqa ka qaadan kartaa boqolkiiba (percent share of the market)?

  • 20.  Maxaad higsanaysaa sannadka 2011 iyo sannadada xiga (target by the year of 2011 and next)?

  • 21.  Ma haysaa maaliyaddii aad gelin lahayd shirkaddan ganacsi (capital investment)? Ma jiraa qorshe cad oo maaliyadeed oo aad dejisay? (financial plan)

  • 22.  Maxaa khibrad ah, ama xirfad ah ee aad u leedahay ganacsiga noocan oo kale ah (background experience and skills)?.

  • 23.  Maxaa xannibaad ah ee kaa hor imaan kara dhinacyo badan ka fiiri ( barriers)

  • 24.  Dhinacee ayaad ku xooganaan kartaa dhinacee se ayaad ku liidan kartaa (strength and weakness)? Fadlan halkan daacad ka ahaw in aad sheegto. 

  • 25.  Waa maxay xeeladaha aad kaga gudbayso haddiiba uu socon waayo ganacsigan ama shirkaddan ( exit strategy)

Marka aan ka jawaabno dhamaan su’aalahan waxa aynu si fudud u qori karaa qorshaha ganacsi ee aynu rabno in shirkaddu ku dhaqanto (business plan)

Lasoco qaybta 4aad

After you have consulted and when you have firmly decided, then have trust on Allah (Surat Al imran)

Mustafe Ibraahim mustaf1970@hotmail.co.uk

Uk.


webmaster@ceegaag.com