shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA Q-10aad

 

(London,  March 11,  2011 Ceegaag Online) 

Waa maxay shaqadda maareeyaha ganacsi (business manager)

Qaybtan 10 aad waxan ku soo qaadan doonaa shaqada maareeyaha ganacsiga. Maaraynta ganacsig shirkadd waxaa uu ku xiran yahay kolba baaxada iyo baahida shirkadda.

Maaraynta ganacsiga (business management)

Maaraynta ganacsi (business management) waxaa aynu ku qeexi karaa waa nidaaminta, qorshaynta, ilaalinta, jihaynta shaqada iyo shaqaale shirkadd si loogu gaaro ujeedooyin (objectives).

Maareeyaha ganacsi (business manager) waa shaqsiga maareeya shaqada iyo shaqaalaha si loo helo faaiido waana masuulka ilaaliya wixii hanti ah ee ay shirkaddi leedahay isla markaana waa nidaamiyaha shaqo maalmeedka (daily activities).

Noocyadda maareeyayaasha (Types of business managers):

·         Maareeyaha wax soo saarka (production manager):

Maareeyaha wax soo saarka (production manager) waa mareeyaha wixii wax soo saar ah ee shirkaddu ay soo saarayso. Wuxuu masuul ka yahay dhamaan wixii hawl wax soo saar sida ilaalinta qalabka shirkadda (inventory control), jadwalka shaqadda (schedule), nidaaminta waraaqaha (documentations), dayactirka qalabka (equipment maintenance), rarida badeecadda (shipping) iyo ilaalinta tayada badeecadda (quality control).

·         Maareeyaha iib-geynta (sales manager):

waa maareeyahay horumarinta iib-gaynta ee shirkadda. Shaqadiisa waxaa ka mid ah tababarida shaqaalaha waaxda suuq-gaynta (sales staff), diyaarinta xeeladaha suuq-gaynta (sales policy) iyo soo dhamanynta heshiisyada wax iibineed (sales deals).

·         Maareeyaha macalumaadka cilmiga farsamada (Information technolgy manager):

IT Manager waa madaxa waaxda macaluumaadka cilmiga farsamada ( IT Department), waa maareeyaha, dayactiraha, qorsheeyahay, tababaraha, tijaabiyaha wixii cusub ee lagu soo kordhinaayo shirkadda sida shaqaalaha, softwares ama new programmes.

Waxaa uu xooga saraa sidii loo horumarin lahaa dhinaca farsamada computers haddii ay tahay isku xirka computers (network), waxaana uu dejiyaa nidaam ay raacayaan dhamaan shaqaalaha waaxda farsamada computers (IT).

·         Maareeyaha suuq-gaynta (marketing manager):

Sida ka muuqata magaca wuxuu masuul ka yahay dhamaan wixii suuq-gayn ah ee shirkaddu u baahan tahay sida abuurista macaamiil cusub, tababaridda shaqaalaha suuq-gaynta iyo iib-gaynta (marketing staff), horumarinta xeeladda sixir goynta (developing pricing strategy), kobcinta xajiga suuqa, ogaanshaha baahidda macaamiisha, tartanka shirkaddaha kale iyo kawar qabida dhamaan baddeecadaha ama adeegyadda kale ee suuqyadda kusoo kordha amaba ka baxaya.

·         Maareeyaha wax soo iibinta (purchasing manager):

waa maareeyaha u qaabilsan soo iibinta badeecadda ama adeega ay u baahan tahay shirkaddi. Waxa uu ilaaliyaa, qorsheeyaa, qiimeeyaa dhaqdhaqaaqa wax soo iibin ee shirkadda. Waxaana uu keenaa heshiiska ugu fiican ee shirkaddu ay ku heli karto badeeco ama adeeg jaban.

·         Maareeyaha maaliyadda (finance manager):

waa maareeyaha, habeeyaha, qorsheeyaha dhinaca maaliyadda ee shirkadda. Shaqadiisa waxaa ka mid ah diyaarinta warbixnta maaliyadeed (financial report), dejinta miisaaniyadda shirkadda, maaraynta lacagta naqadka ah (cash management), maaraynta deymaha (credit management), lasocoshada khasnada (treasury), saadaalinta heerka maaliyadda shirkadda (financial postion forecast) iyo isku dubaridka lacagta soo galaysa ama ka baxaysa shirkadda.

·         Maareeyaha shaqaalaha (human resource manager):

waa maareeyaha shaqaalaha, waxaana uu hirgeliyaa xeeladihii lagu shaqayn lahaa ee lagu maamuli lahaa shaqaalaha. shaqadiisana waxaa ka mid ah nidaaminta mushahaarada shaqaalaha (salary management), tababarka shaqaalaha (staff training), qorida shaqaalaha (recruiting), ilaalinta saacadaha shaqaalaha (attendance), keydinta warbinxa shaqalaaha (employee record keeping), la socoshada wax qabadka shaqaalaha iyo dhiirigelintooda (motivation).

·         Maareeyaha horumarinta badeecadda (product development manager):

Waa diyaariyaha wixii daraasad horumarin ah ee loo samaynaayo shirkadda si ay horumar u gaarto. Shaqadiisa waxaa ka mid ah in uu keeno barnaamijyo cusub (new programmes) waxa kale oo uu sameeyaa daraasado lagu abuuraayo fikrado cusub (innovatives), la socoshada dhamaan qalabka shirkadda si ay shirkaddu ula socoto kolba wixii soo kordha, la talinta dhamaan waaxyaha kale si loola socod siiyo wixii cusub ee soo siyaada iyo la xiriiritaanka macaamiisha si loo ogaado kolba wixii ay u baahan yihiin in lagu siyaadiyo badeecadda ama adeega.

Marka laga yimaado intaa aynu kor kusoo xusnay waxaa jiri kara maareeyayaal kale oo waxaa ay ku xiran tahay kolba nooca ay shirkaddu tahay, tusaale ahaan waxaa jiri kara maareeyaha guud (general manager) amaba maareeyahay hawl-fulita (operational manager). Shirkaddaha qaarkood sida kuwa horumarinta software  ayaa leh maareeyaha mashruuc gaar ah  (project manager). Marka shaqada ama nooca maareeyuhu waxaa ay ku xiran tahay baahida ama baaxada shirkadda.

hababka maareeyayaasha (styles of business managers):

1.      maareeye keligii taliye ah (authoritarian manager): habka noocan ahi waxaa uu ku keenaa shirkadda badanaa burbur, niyad jab, iyo weliba shaqaalaha oo kaa horyimaada waayo nidaamka noocan ahi waa qof keliya ayaa go’aanka gaaraya isla markaana raba in dhamaan shaqaaluhu shaqada u qabtaan sida uu rabo asaga oo aan cidla kala tashan. Nidaamka  noocan ahi waxaa ay shaqadda u fudaydisaa shaqaalaha waayo waxaa la tusayaa sida loo shaqaynaayo iyo waxa laga rabo. Qaybtani waxaa ay u baahan tahay maareeye adag oo xirfad fiican leh maadama aanay jirin maamulkii dadka kale loo kala dhiidhiibi lahaa (delegation). habkan noocan ah waxa keliya ee uu faaiido leeyahy marka la arko in shirkaddu khatar ay ku sugan tahay amaba ay khatari ay soo food saartay. Laakiin waxaa fiican in marwalba shaqaalaha lala tashado si guul loo gaaro.

2.      Maareeyaha dimuqraadiga ah (Democratic manager): waa habka ugu caansan ee ay isticmaalaan shirkadduhu. waa maareeye rumaysan in shaqo kasta oo uu qabanaayo uu kalatashado shaqaalihiisa ama cidii kale ee ay talo kawada dhaxayso. Waxaanu ka qayb galiyaa shaqaalihiisa wixii talo ah. Waana nidaam u saamaxaya shaqaalaha in ay dareemaan qiimayn, farxad iyo inay talada shirkadda wax ku leeyihiin. Nidaamkan dhibkiisa keliya waa in wixii go’aan la gaarayo ay u baahan tahay in waqti lagu bixiyo taasina ay keeni karto in talaabooyin la qaadi lahaa ay dib u dhacaan.

3.      Maareeye waalid (paternalistic manager): habka noocan ahi waa hab u saamaxaya maareeyaha in uu ula dhaqmo shaqaalihiisa sidii waalid oo kale, waxaana uu badanaa ku xiran yahay shaqaaalihiisa oo uu dhagaystaa waxaana uu ka caawiyaa sidii ay shaqadoodu ugu fududaan lahayd. Waxaanu ku dhiir geliyaa shaqaaluhu in ay u wada shaqeeyaan sidii reer oo kale (family) wixii talo ahna meel ay isugu keenan si loo wadaago.

4.      Maareeyaha ku dhaqaaq (laissez faire manager): habka noocan ahi waa hab siinayaa shaqaalaha xorriyad badan iyo waqti ay shaqaaluhu ku horumarin karaan aqoontooda, maareeyuhu wuxuu u sheegaa shaqaalihiisu sida ay wax u samaynayaan waxaana uu u dejiyaa waxa laga rabo in ay gaaraan (targets) iyo ugu dambayn goorta laga rabo (deadlines). Kedib ayaga ayuu uga tagaa maadaama ay shaqaaluhu shaqaddii loo baahnaa qabteen heerkii loo baahnaana gaarsiiyeen waxba kama gelin wadooyinka ay u mareen.

Laakiin badanaa shaqaaluhu waxaa ay u baahan yihiin kormeerid iyo in laga war qabo kolba heerka ay marayaan waxa ay higsanayaan iyo waxa fikrad cusub ay ku soo kordhin karaan shirkadda. Nidaamka noocan ahi waa nidaam u baahan in laga fiirsado.

Masuuliyadda maareeyaha ganacsiga oo kooban (summary responsiblities of business manager):

·         Qorshaynta iyo nidaaminta shaqadda

·         Maaraynta iyo kormeerida shaqo maalmeedka shirkadda

·         Toosinta, ilaalinta iyo fulinta shaqadda.

·         Dhisida xidhiidhka macaamiisha iyo shirkadda.

·         Dejinta qorshaha iib-gaynta iyo suuq-gaynta badeecadda ama adeega shirkadda.

·         Diyaarinta qorshe sannadadeedka iyo wargelinta maamuladda kale.

·         Xalinta wixii khilaaf ah ee soo baxa sida ugu dhakhsaha badan.

·         Qiimaynta xeeladaha ganacsi (business strategy) iyo ka warbixin wixii horumarin u baahan.

·         Horumarin iyo fulin wixii u baahan in laga badalo maamulka.

·         Isku xirka macaamiisha, talo soo jeedinta iyo ka warbixinta wixii soo kordha.

·         Maaraynta kharashaadka baxaaya iyadoo la raacayo nidaamka miisaaniyada u dejisan shirkadda.

·         Fulinta wixii tababar shaqaale la siinaayo.

·         Nidaaminta iyo habaynta wixii waraaqo qoraal ah ee ay shirkaddu leedahay.

·         Kormeerida shaqalaaha gudaha iyo kuwa dibada ee shirkadda.

·         Ujawaabida baahida shaqaalaha iyo kuwa macmiisha sida ugu habboon.

·         Ilaalinta qalabka iyo hantida shirkadda.

·         Isku xirka maamulka sare iyo macaamiisha.

 

Waxaa aynu hadda soo dhamaynay 10 cashar oo aan filaayo in laga faaiidaystay, waxaa aynu nasasho qaadanaynaa muddo 2 wiig ah si dib loogu noqdo casharaddii hore kedib waxa aynu bilaabi doonaa casharka 11aad.

Wixii su’aal ah fadlan diyaar ayaan u ahay in aan idiinkasoo jawaabo muddadan 2 wiik ee fasaxa aan ku jiro. 10 cashar markay dhamaadaanba fasax kooban ayaynu qaadan doonaa wixii su’aal ahna waan ka jawaabi doonaa.

 

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

                                                                       

webmaster@ceegaag.com