shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo beeleedyadii awal gacansaar lalahaa Somaliland oo hada usoo digaroganaya Maamul goboleedka Khaatumo

(Buuhoodle, Jan 28, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa maanta gelinkii hore soo gaadhay magaalada Buuhoodle ciidamo ka tirsanaan jiray ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Sool, Ciidankan ayaa ahaa 28 askari oo xalay ka soo baxay Laascaanood, kuwaasi oo soo gaadhay degmada Buuhoodle.

Yaasiin Axmed Sulub oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo ayaa waxaa uu u sheegay in ay askartani helayaan Xaquuqdooda isla markaana aanay tabi doonin maamulka Somaliland wixii ay ka heli jireen, waxa uuna wasiirku sheegay in uu wixii hada ka danbeeya ay maamulka Khaatumo ka heli doonaan wixii askari hesho.

Ma aha markii u horeysey ee ciidamo noocan oo kale ah ay kasoo goostaan maamulka Somaliland isla markaana ay ku soo biiraan maamulka Khaatumo.  oo dhawaantana waxaa Taleex lagu soo dhaweeyey ku dhawaad 15 Askari oo Booliska Laascaanood ah ku waasi oo iyana ka baxsaday maamulka Somaliland.

Daawo Sawiradooda

Dhinaca kale waxaa iyaguna  waxaa maanta gelinkii danbe magaalada Buuhoodle soo gaadhay ciidamo hore uga tirsanaan jiray maamulka Somaliland, kuwaasi oo ka hawl gali jiray deeganadda Widhwidh iyo Bali Hadhac, waxa ayna ciidankani wateen baabuurta xamuulka qaada kuwaasi oo lagaga soo daabulay deeganaadaas waxaana ay maanta si rasmi ah u soo gaadheen magaalada Buuhoodle iyagoo ka qayb qaadan doona dagaalka ka soconaya duleedka magaalada Buuhoodle ee u dhexeeya ciidamadda Somaliland iyo Ciidamo beeladda  deegaanka oo haatan ciidan u ah Maamulka Khaatumo.

Waxa ay hada u muuqataa in maamulkii lagaga dhawaaqay Taleex uu la kowsaday kala abtirsasho ciidamada Maamulka Somaliland iyo dagaalo kasoo cusboonaaday deegaanada Sool iyo Cayn.

 

Maxamed Cismaan Cabdinuur

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com