shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ergooyinkii Shirka Khaatumo oo isku raacay in Maamul Cusub la dhiso iyo Shir Saxaafadeed Maanta La qabtay oo lagu sheegay in maamul Cusub lagu Dhawaaqayo

(Taleex, Jan 10, 2012 Ceegaag Online)

Warsaxaafadeedka Go'aanka ergada Taleex (Maamul Goboleed) Dhagayso

Waxaa Maanta Gelinkii Hore Maalintii 2aad ay Kulan ku yeesheen Darayda Khaatumo Ergooyinka Shirka Khaatumo2 waxa ayna Ergooyinkani soo Saareen Qodobo wax ku ool ah ay kamid tahay in ay dhamaan ergooyinku isku raaceen in Shacabka SSC ay Yeeshaan Maamul Ka Taliya arimha iyo masiiirka Umadda Waxaana Maanta gelinkii Danbe Shir jaraa'id Qabtay Afhayeenka Gudiga qaban qaabada Shirka ahna Gudoomiyaha Saaxafadda Shirka Mudane Aadan C/laahi Shuuriye iyo Mudane Saleebaan Waji Xaad oo ah Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gudiga Dhaqalaha Shirka Khaatumo2, waxaaana Qodobadii Shirku u ahaayeen Sidan.

Warsaxaafadeed Shirka Khaatumo 2 Taleex.
 
Ergooyinka Shirka Khaatumo 2 ayaa maalintii 2aad ka dooday Ajendaha Shirka Khaatumo 2 waxaa saaka hawlohoodii kasii watay Madasha Shirka Dhamaan Ergooyinka Gudaha iyo Qurba Joogta. Dood dheer iyo Falanqayn kadib waxay ergooyinkii Codeeyeen Go'aamo aad Muhiim ugu ah Masiirka Deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa Ergooyinku Fadhigii saaka Ugu Codeeyeen Deegamada SSC in loo sameeyo maamul Goboleed u gaar ah oo masuul ka ah Aayaha Deegamada Shacabka Soomaliyeed ee ku Nool goboladda SSC. Qodobkan iyo Go'aamo kale oo muhiim ah oo maanta ergooyinku isla qaateen ayaa Beri lasoo hor dhigi doona Shirwaynaha. Waxaa maanta Madasha Shirka Berdaha Khaatumo ka Muuqday dabaal Deg iyo rayn rayn iyadoo Jidadka magaalada ay marayeen Tiro badan oo Baabuur ah oo ruxaya Calanka Somalia.

Xafiiska Saxaafadda ee Shirwaynaha Khaatumo 2.

Maxamed Cismaan Cabdinuur
Taleex.

webmaster@ceegaag.com