shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Jaamacadda Muqdisho oo ka hadlay gelitaankii Ciidamada DKMG ah iyo AMSIOM ee dhismaha Jaamacadda

(Muqdisho, Jan 25, 2012 Ceegaag Online)


 Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka guud ee Jaamacadda Muqdisho ayaa looga hadlay gelintaankii ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay galeen Jimcihii la soo dhaafay dhismaha Jaamacadda Muqdisho.

 Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan:

Jaamacadda Muqdisho oo ah jaamacaddii ugu horaysay ee laga furay dalka kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, kuna taalla xarunteeda dhexe degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxay muddadii ay jirtay u fidisay waxbarasho tayo leh kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo maanta kaalin lixaad leh kaga jira hormarinka dalka. Sidoo kale kuma koobna waxqabadka Jaamacaddu waxbarasho oo kali ah ee waxay ka qayb-qaadataa dhammaan baahida kala duwan ee ay qabto  bulshada Soomaaliyeed.


Jaamacadda Muqdisho marna qayb kama ahayn dhibaatada dalka ka jirta, balse waxaa looga bartay kaabidda horumarka, diyaarinta jiil aqoon leh, walaaleynta iyo nabadeynta bulshada. Taariikhdu markay ahayd 20/01/2012, waxaa galay xarunta Jaamacadda oo ku taala degmada Yaaqshiid ciidammo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, isla markaana ka saareen shaqaalihii joogay xarunta, lana wareegay gacan ku haynteeda.

Haddaba, maamulka Jaamacaddu wuxuu cadaynayaa:

  1.  Inuusan ka warhayn laga billaabo taariikhda kor ku xusan waxay ku sugan tahay xaruntaas.

  2.  In mas'uuliyadda ilaalinta hantida maguurtada ah iyo tan kale ee goobtaas taalla ay saaran tahay ciidamada ku sugan iyo mas'uuliyiintooda.

  3. In si deg-deg ah ciidamada uga baxaan xarunta Jaamacadda, kuna soo caliyaan gacanta maamulka Jaamacadda.


 
Ugu dambeyn, Jaamacaddu waxay ugu baaqaysaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada ka shaqeysa iyo waxgaradka inay u howlgalaan dhowridda xarumaha waxbarashada iyo goobaha loogu adeego bulshada, noqdaanna meelo ka caagan dagaallada iyo galidda ciidamada.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com