Waxaa shalay oo jimce ahayd gelinkii hore safar ku tagay tuulada xalin ee degmada Taleex ee gobolka Sool Masuuliyiinta G6  iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, waxaan qado sharaf loogu sameeyey waftigan Xalin halkaas oo ay qudbado ka soo jeediyeen Gudoomiyaha Masuuliyiinta G6  Dr Cali Ciise Cabdi waxa uuna Dr Cali Ciise Sheegay in uu ku faraxsanyahay safarka ay ku tageen Tuulada Xalin,waxa uuna sheegay in xalin ay tahay meel ku wanaagsan Beerashadda Dalaga kala gedisan waxa uuna shacabka reer Xalimeed uga mahad Celiyey sida diiran ee ay usoo dhaweeyey, waxa uuna sheegay in ay Xalin tahay Magaaladi ugu Horeysey e ay tagaan tan iyo Intii maamulka  lagu dhawaaqay.

Dhinaca Kale Pro Cali Khaliif Galaydh ayaa Isna Sida diiran ee loogu soo dhaweeyey Xalin uga mahad Celiyey Shacabka reer Xalmeed,waxa uuna sheegay in xalin ay tahay meeshii ugu horeysey ee la soo gaadhsiiyo  Go’aankii Ay qaateen Ergooyinka Shirku ee ahaa maamulka Cusub ee Shacabka Dhulbahante loo Yagleelay waxa uuna Cali Khaliif Galaydh uga Mahad Celiyey Sida Diiran ee Loo soo dhaweeyey.

Gudoomiye Ku xigeenka Ururka Qaran ee haweenka Somaliya, Marwo Canab Xasan ayaa sheegta in ay ku faraxsantahay in Goboladda SSC loo yagleelo maamul u gaar ah oo ka madax banaan maamulada S/land iyo P/land waxa ayna si wayn usoo dhaweysey sida diiran ee shacabka reer Xalmeed usoo dhaweeyeen.
 

Geestooda waxaa iyaguna hadalo kooban ka soo jeediyey madasha soo dhawaynta Qaar kamid ah Culimada oo si wayn uga mahad celiyey soo dhawaynta diiran ee reer Xalmeed u sameeyeen  Masuuliyiinta G6 iyo Culimadaba.

Garaad saleebaan Garaad Maxamed ayaa isaguna si wayn usoo dhaweeyey maamulka Cusub ee loo yagleelay Goboladda SSC waxa uuna garaadku Shacbka Reer Xalmeed u sheegay in uu ahaa garaadka Kaliya ee Puntlandta taageeri jiray waxa uuna sheegay in sababaha uu u taageersanaa ay ahayd Xoraynta Goboladda SSC balse waxa uu si cad u sheegay in Puntland ay kaalintedii ka soo bixi waydey hadana uu si cad gacmaha ugala soo baxay, waxa uuna shacabka Reer Xalmeed iyo kuwa Dhulbahante ugu baaqay in ay si wayn u taageeraan maamulka Cusub ee Shacabka loo Yagleelay.

 

Isku soo wada Duuboo Waxa ay Waftidani markii ay Qado Shafartaas dhamaysteen aydalxiis  ku soo mareen Beeraha Xalmeed oo haatan Midhihu soo bexeen isla markaana Laga Manaafacaadsado Midhaha ka soo baxa Beeraha Xalin kuwaas oo loo Soo iib geeyo Magaalada Taleex.  waxa  ayna si wayn ula dhaceen nimcada iyo Barwaaqada taala Xalin.

Maxamed Cismaan C/nuur
Taleex