shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaan bax Laascaanood ka dhacay loogana Soo horjeedo Hadalkii W/Arimaha Gudaha ee S/land iyo Weriyayaal La xidhxidhay.

(Laascaanood, Jan 02, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Gelinkii Hore Magaalada Laascaanood ka Dhacay banaan bax balaadhan oo looga soo Horjeedo hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee Ku aadana Shirka Khaatumo 2 Waxaan banaan baxan soo Abaabuley bulshada Qaybeheeda Kala duwan waxaa Ciidamada Amaanka ee maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 20 Qof oo kamid ah dadkii banaan baxaasi samaynayey sidoo kale waxaa iyana la xidhay qaar kamid ah weriyayaasha Reer Laascaanood kuwaasi oo Qayb ka ah Weriyayaasha Faro ku tiriska ah ee ku hadhay Laascaanood.

 

Banaan baxan ayaa Saaka Gelinkii hore ka bilaabmay wada wayn ee laamiga Halkaasi oo ay iskugu soo bexeen  Bulshada qaybeheeda kala duwan ee ku nool Laascaanood waxa ayna banaan baxan ku muujinayey shucuurtooda wadani nimo ee ku aadan shirka wada tashiga Beelaha SSC ee Isbuucan gudihiisa ka furmaya Taleex.

 

Sidoo kale waxaa Banaan baxan uu ahaa  mid si habaysan ay u soo abaabuleen bulshada reer Laascaanood balse ciidamada maamulka Somaliland ayaa iyagu dadkaasi rasaas ku kala didiey isla markaana intooda badan jeelka dhigay  balse banaan baxani ma uusan noqon mid si yar ku dama ee dadku iyaga oo Caleemo  Ruxaya ayay Si goos goos ah ku samaynayey banaan baxa waxaa kale oo jiray ciidamo iyagu markaasi la dhigay wadooyinka Laascaanood.

Maxamed Cismaa C/nur
Talex Sool Somaia

Laascaanod31@hotmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com